Rasaas Laga Maqlay Guriga Madaxweyne Ku Xigeenku Ka Degan Yahay Magaaladda Hargeysa Iyo Sababta Dhalisay Xaaladdan Guriga Ka Dhacday

Dadka Danyarta ah ee hareeraha ka degan Guriga Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uu ku leeyahay Xaafadda Shacabka ee Magaaladda Hargeysa ayaa barqonimadii shalay waxa ay dhagaxaan la boobeen Gurigiisa,waxaana rasaas dadkaasi danyarta ah ugu jawaabay illaaladiisa iyagoo dadkaasi qaar ka mid ah Xabsiga u taxaabay.
Dadkan danyarta ah ayaa sida Wargeyska Foore loo xaqiijiyay ka cabanayay Daad xoogleh oo roobkii weynaa ee Habeen hore ku da’day Magaalada Hargeysa uu soo rogay,kaasi oo dhinac walba uga baxay Guryihii ay deganaayeen,waxaanay habeen hore oo dhan gacmaha kaga dhuriyeen biyaha iyagoo aroornimadii shalayna ka hor mudaharaaday Guriga Madaxweyne Ku xigeenka oo ay kaga cawdeen inuu ku xidhay biyahaasi oo awal dhaafi jiray islamarkaana ay sheegeen inay biyahaasi Khasaare culus u gaysteen oo ay illaa Wakhtigaasi ay mudaharaadayeen uu daad badani dhex jiigay Guryahooda. Dadkan danyar ah ayaa intooda badan waxa ay dhinaca Koonfureed iyo jihada xagga Galbeed kaga toosan yihiin Guriga Madaxweyne ku xigeenka,waxaanay muujiyeen sida uga xun yihiin in daad uu iska Moosay Saylici uu fadhiisto guryahooda islamarkaana aanay wax gar gaar ah ka helin,oo ay Habeen hore oo dhan u soo jeedeen oo aanay hurdo ladin.
Ciidanka Illaalada Madaxweyne ku xigeenka ayaa dadkan Danyarta ah oo dhagax tuur samaynayay Rasaas ooda kaga qaaday,iyagoo qaar ka mid ah Dadkaasi oo uu ka mid yahay Nin lagu magacaabo Cumar xagaa,Xaaskiisii iyo Laba wiil oo uu dhalay Xabsiga U Taxaabay. Majiro wax khasaare ah oo dadkaasi danyarta ah ka soo gaadhay Rasaastaasi ay Ciidanka Illaalada u ah Saylici ku fureen si ay ukala dareeriyaan. Sidoo kale markii ay rasaastu dhacday waxa goobta la keenay Ciidamo badan oo ay ka mid yihiin illaalada Madaxtooyadda Somaliland iyo saraakiisha Sare ee Hawlgalinta Ciidanka Bilayska Somaliland.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker