IMAARAADKU WUXUU MAANTA KA SAMAYNAYO SOMALIA AYUU BERRI KA SAMAYNAYAA SOMALILAND.

Wararka la hubo ee ku lug leh boqolaalka kun ee ku dhintay Somalia waxaa ka masuula xoogga shisheeye ee Moqadisho deggan iyagaa mid weliba dano u gaara oon reer Somalia u dan ahayn ka wata, danahaasi waa macruuf ta koobaad mandaqadan xooluhu daaqi jireen waxaa illaahay dejiyey meelĀ  (strategy) ah oon dunidu sinaba uga maarmi karin ooah Marinka adduunka baayacmushtari, mandaqaddu meesha qudha ee Ethiopia Deked u ah (red sea)’ waa dhul (resource ) kiisii oo dhami dihin yey dad aad u tiro yari joogaan oo itaal yari , markaa waxaa la soo gaadhay xilligii la boobi lahaa waayo ummad ahaan waa la dumiyey imika waxay u sii rafanaysaa qabiilo yar, qabiiladu rafadka ayaan dhaw way joojinayaan oo xooggagaa debedda kaga soo duulay baa kala yeelyeelanaya halkaasay Somalia iyo Somaliland ba ku baabayaan waqti aad u dhaw.

Imaaraadka lacagtan la qabtay way iman jirtay, xooggaga kalee mandaqada boobayana lacagtoodu way timaaddaa. Lacagtani waa lacagtii dishay maalin qudha shan boqol oo qof waqti aan fogayn Mogadisho, waa lacagta alshabaab qaybteeda hesho, waa lacagta dadka is qarxiya iyo dilka loo maleego lagu hirgeliyo. Waa lacagta Jawaari Fashilisay xadhkihii uu ku xidhna.
SOMALILAND wadada ay ku socotaa waa wadadaa ay qaadday Somalia. Durba qabaailkii Imaaraadkaa maamula oo laba u qaybiyey qolo Kulmiyaa tihiin buu Imaaraadku ka dhaadhiciyey oo anaa barwaaqo sooran idin gelinaya qaarna wuxuu yidhi waa Wadani oo lacagtaa dayaaradaa aan ku keenayo ayaan ku kala furfurayaa. Wadankii Somaliland sheeganayey kala dilaacii wuu ku bilaabay Imaaraadkii oo dhowaan wuxuula damcay halkay reer Somalia marayaan inuu keeno. Alshabaab iyo kooxaha xag jirka ah Imaaraadkaa iyo yuhuuddaa wata manadaqadda waa lagu hirdamayaa.
Waxaa la yidhi NINKAAN WAXA JOOGA GARANI MA GARTO WAXA SOOSOCDA.
Waxaa la ogaaday qof j a somaliga ah magtiisuba inay tahay ( maximum) 3000 Doolarka Marayka ah. Qofkasta oo la dilo oo da yar ah (organs)kii sa waa la iibiyaa carabtaa la geeyaa waayo waxaa la joogaa SOMALIA iyo Somaliland ba in madaarada waxa ajanebigu wato ( carabta, caddaanka, Xabashida ) inaan la baadhi karin oo Maamul ku sheegyada Somalida aan loo oo ogolayn insy baadhaan. Wataa Xukuumadda Itaalka yar ee Federalka lagu haysto maxaa dayaaradaya u baadhaysaan ma shaqaa ku leedihiin. SOMALILAND way ka sii liidataa Xukuumadda Xamar.
Maanta arimahaa u fiirsada waxaa ku soo socda dagaal Somaliland ay dabada ka riixayso Dawladda Imaaraadku oo ay qabaailka reer Somaliland isku dhufanayso ha dhawna talada wadanka iyo resourses iyo badda cas xeebteeda Somaliland iyo puntland ay Imaaraadku ka talibayaan waxay doonaanna ka guranayaa. Arinkaa sannadka dambe wuu imanayaa.
M Bashe (Meerkat)

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker