Warka Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo la fasaxay Sabtidda

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Fasaxay Maalinta Sabtidda Shaqaalaha Dawladda Oo Ku Beegan Xuska Maalintii Nebi Muxamed (Nnkh) La Dheelmiyey

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay Fasaxday Shaqaalaha Dawladda Maalinta Sabtidda ee Bishu tahay 14/4/2018-ka oo ku beegan maalintii Samadda loo Nebi Muxamed (NNKH) korkiisa ha ahaate.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa ku dhawaaqay in uu shaqaalaha dawladda fasaxay maalinta Sabtidda ee Bishu tahay 14/4/2018-ka oo ku beegan maalintii Samadda loo Nebi Muxamed (NNKH) korkiisa ha ahaate. Isla markaana dadku shaqooyinka ka nasan doonaan maadama oo ay tahay maalin umadda Islaamku waynaynayso oo xusayso maalintan Nebigii Suubanaa ee Nebi Muxamed (SCW) munaasibado iyo xafladdo lagu xusaayo laguna waynaynaayo maalintaasi ay umaddaha Muslimiinta ee dunidda daafaheeda ku kala sugani debaal degyo kala duwan u sameyn doonaan.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ku dhawaaqayey xuska maalintan qiimaha leh ee La dheelmiyey Nebi Muxamed (Csw) in shaqaalaha dawaldda Somaliland uu fasaxay waxa uu yidhi.

Wargelin

Fasax
Maalintii la Dheelmiyey Nebi Maxamed NNKH الإسراء والمعراج

Iyada oo Maalinta beri ah ee taariikhdu tahay 27/Rajab/1439 kuna beegan 13/04/2018 ay tahay maalintii Nebigeenii NNKH loo dheelmiyey Sammada si uu Alle SWT u la soo kulmo

Guddida Hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo qiimaynayaa maalintaa boqran isla markaana ka warqaba in ay kamid tahay fasax sanadeedka shaqaalaha dawladda, waxa ay shaqaalaha dawladda ku wargelinaysaa in maalinta Sabtida ah taariikhduna tahay 14/04/2018 ay noqon doonto maalin fasax oo shaqaalaha dawladdu ka nasan doonaan shaqadii maalin-laha ahayd

Maalintan oo ku beegan beri oo Jimce ah ayaa fasaxa loogu riixay maalinta Sabtida maadama Jimcuhu aanu kamid ahayn maalmaha shaqo.

Shaqaalaha Dawladda meel ay jooganba Waxaan u rajaynayaa Cizi, Cibaado iyo Caafimaad waxaanan Alle uga baryayaa bashbash iyo badhaadhe

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker