Haweeney Soomaaliyeed oo Lagu Xidhay Dalka Norway

Mid kamid ah Hooyooyinka Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Norway ayaa lagu soo eedeeyay inay xiriir la leedahay Ururka Argagixisada Daacish,waxayna Booliska dalkaasi ay ka qabteen xilli ay ka dhoofeysay magaalada Oslo.

Haweeneydan Soomaaliyeed oo ah Hooyo dhashay 5-carruur ah ayaa Booliska Norway waxay sheegeen iney Taleefankeeda gacanta ay ka heleen ciwaanno iyo xog ku saabsan

sida loo sameeyo Qaraxyada,sidoo kale,waxaa Taleefankeeda laga helay qoraalo ay isu direen nin Soomaali ah oo isna dhowaan ay Dowladda Ingiriiska ay ku xukuntay 8-sano oo xabsi ah.

Waxaan la ogeyn waqtiga rasmiga ah ee la maxkamadeyn doono Haweeneydan Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay iney xiriir la leedahay Ururka Daacish,macluumaad muujinayana laga helay,sida Booliska dalka Norwey ay sheegeen.

Booliska magaalada Oslo ayaa sheegay in Hooyadan dhashay 5-ta carruurta ah xilligii gacanta lagu dhigayay ay u safreysay dalk Suuriya halkaasi oo sida la ogyahay ay ka dagaalamaan Kooxda Argagixisada Daacish.

home

Related Articles

Leave a Reply

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker