Dawlada Federaalka ah ee oo ku hanjabtay tallaabo ka dhan ah ciddii ‘musuq-maasuq aanay Caddayn sheegta

Muqdisho (OWN) – Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay maxkamad la tiigsan doonaan ciddii dambe ee Soomaaliya ku sheegto inay tahay wadan musuq maasuq hadheeyey.

Wasiirka oo maanta ka hor hadlayay Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in muddo badan Soomaaliya lagu sheegayey inay tahay wadan aan lagu kalsoonaan Karin oo aan wax dhaqaale ah loo dhiibi Karin, wuxuuna sheegay inay taas hadda meesha ka baxday.

”Ilaa Waligeen baa nala-lahaa Soomaaliya laguma kalsoonaan karo, waxba looma dhiibi karayo, saxiixoodu ma shaqeynayo, Tuugta ugu waaweyn baa joogta” ayuu yiri Beyle.

Beyle ayaa ka hor imaaday qiimeynta sheegeyso inay Soomaaliya kaalinta koowaad kaga jirto qiimeynta musuq maasuqa illaa 148 dal, wuxuuna yiri :

 

148 wadan ayaa la leeyahay Soomaaliya waxey ka tahay dalka ugu horreeya  xagga musuqmaasuqa, waxaan leenahay bal halka aynu musuqmaasuqa uga caanbaxnay inoo sheega”.

Wuxuu Wasiirka ugu baaqay hey’adaha Caalamiga ah ee soo saaro warbixinada dhaqaalaha inay fiiriyaan qaabka uu u shaqeeyo midaamka Maaliyadeed ee dalka ka hor inta aysan soo saarin warbixinada ku saabsan dhaqaalaha iyo musuq maasuqa.

“Cid aan eegin nidaamka Maaliyadeed ee dalka oo aan nala fariisan mar dambe ma aqbali doono inay warbixin iska soo saarto, maxkamad ayaa la tiigsan donna wixii hadda ka dambeeyo” ayuu sii raaciyey Wasiir Beyle.

Hadalka kasoo yeeray Wasiir Beyle ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan Hanti dhowrka uu sheegay inay maqan tahay lacag 18 milyan oo Dollar taasoo aan la marsiin nidaamka maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale, guddiga maaliyadda baarlamanka ayaa horey usoo saaray warbixin caddeysay in 42 milyan oo dollar ay ku maqan tahay xukuumadda

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer ku faantay inay joojisay musuq maasuqii dalka ka jiray, hase yeeshee caddeymaha la helayo ayaa muujinay in musuq maasuqa kasii daray markii uu talada qabtay madaxweyne Farmaajo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker