Mareykanka oo walaac ka muujiyay xaaladda caafimaad ee madaxweynihii Niger ee xilka laga tuuray

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda cafimaad ee madaxweynihii dalka Niger, oo muddo ka badan laba todoobaad ku xiran gurigiisa.

‘Waxaan aad ugu walaacsannahay caafimaadkiisa iyo badqabkiisa shaqsiyeed iyo tan qoyskiisa’, ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda.

Bazoum ayaa waxaa xilka ka qaaday ciidamada millateriga oo afgembi kula wareegay dalka 26-kii bishii hore.

Tan iyo maalinkaas, taliska millateri ayaa xukumayay dalka, waxaana arrintan si aad ah uga soo hor jeestay ururka waddamada galbeedka Africa oo loo soo gaabiyo ECOWAS.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker