Soomaaliya Dawlad Awood Leh Ma ka Jirtaa??!!!!!!!!. Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

Muddo 28 Sano Soomaaliya Dawladi Kamay Jirin, Waxaana Mudadaas Ka Jiray Madaxwaynayaal Maqaar Saara!!!, Xukuumad Maqaar Saara!!!!, Barlamaan Maqaar Saara!!!!, Ciidamo Maqaar Saara Oo Aan Lahayn Nidaamkii Iyo Kala Dambayntii Lagu Yaqaanay Milaterigii Soomaaliya 28 Sano Ka Hor!!!!!!.
Soomaaliya Oo Aanay Soo Marin Madaxwaynayaal Damiir Muslim Iyo Mid Wadaniyadeed Aan Lahayn Cadoowgooda U Yaqaana Shacabwaynahooda!!!!!, Nasteexoodana U Yaqaana Cadoowga Duulaanka Ku Ah Dhulkooda Iyo Xeebahooda!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

Yaddoo Soomaaliya Aanay Ka Jirin Dawlad Leh Ciidamo Soomaaliyeed Oo Awood Leh Sugina Kara Amaanka 13 Gobol Ee Ay Ka Kooban Tahay Soomaaliyadda Xoriyadda Ka Qaadatay Wadanka Talyaaniga!!!!!!!!!!!!!!.
Yadoo Soomaaliya Aanay Lahayn Barlamaan Awood Leh Oo Sharciga Wadanka U Yaala Ku ILaalinaya Hadba Xukuumaddii Jirta!!!!!!!!!!.

Barlamaanka Soomaaliya Wuxuu Qayb Wayn Ka Yahay Xasuuqa Loo Gaysto Shacabwaynaha Soomaaliyeed, Kuwa Xasuuqa Gaysanayaa Ha Noqdaan Xukuumadda, Ha Noqdaan Ciidamadda Soomaaliya, Ha Noqdaan Hogaamiyo Kooxeedyadda, Ha Noqdaan Ururka Al-Shabaab, Ha Noqdaan Ciidamadda Amisom, Ha Noqdaan Ciidamadda Kale Ee Aan Xukuumadda Soomaaliya U Diiwaan gashanayn Ee Kala Ah Ciidamadda Kala Duwan Ee Wadamadda Carabta, Reer Galbeedka Iyo Yuhuuda U Jooga!!!!!!!!!!!.

Soomaaliya Mudadaas 28 Sano Waxaa Gacanta Ku Haya Oo Dhaqaale Fara Badan Oo Lagu Qiyaaso Ugu Yaraan Ku Baxay Boqolaal Bilyan Oo Dollar, Maaliyadda Intaas Leegna Waxay Dhisi Lahayd Labaatan Wadan Oo Afrika Ku Yaala Oo Somaliland Ku Jirto!!!!!!!!.
Caalamku Si Indho La’aan Ah Ayuu Ugu Kala Hiiliyaa Soomaaliya Oo Noqotay Foosto Daloosha Oo Dhaqaalaha Lagu Bixiyo 1% Aanay Ka Muuqan!!!!!, Halka Ay Caqliga Ka Shaqaysiin Lahaayeen Wadamadda Iskugu Yeedha Wadamadda Muslimka, Wadamadda Reer Galbeedka, Wadamadda Reer Bariga, Wadamadda Afrika Oo Somaliland Iyo Soomaaliya Si Siman Loogu Qaybin Lahaa Dhaqaalaha Iyo Dib U Dhiska Labadda Wadan!!!!!!!!!!!!!.

Qaramadda Midoobay Iyo Wadamadda Reer Galbeedka Abaalkoodii Ayaa Helay!!!!!!, Mar Haddii Soomaaliya Ay U Gudbisay Xoghayaha Qaramadda Midoobay Warqad Ay Ku Eryayso Ergayga Qaramadda Midoobay Ee Soomaaliya U Jooga Ee La Yiraahdo Nicholas Haysom!!!!, Ergaygaas Oo Ka Hadlay Xasuuq Lagula Kacay Shacabwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Loona Gaystay Dhaawac Fara Badan!!!!, Xasuuqaas Oo Ay Gaysteen Xukumadda Federaalka, Maamulka Koonfur Galbeed Iyo Ciidamadda Itoobiya!!!!!!!!!!!!!!!!

Mar Haddii Soomaaliyaddii 28 Sano Ay La Daba Taagnaayeen Dhaqaale Aad U Fara Badan, Ciidamo Shisheeye Oo Ay U Soo Direen Si Soomaaliya Ay Cagaheeda Isku Taagno Dhinaca Nabadgelyadda, Dhaqaalaha, Dib U Dhiska Wadanka, Asaaska Bulshadda, Shaqo Abuurka Wadanka, Mustaqbalkana Ay Ku Talaabsato Doorasho Wadankoo Dhan Ka Dhacda One Fote One Man!!!, Oo Qofkasta Oo Soomaaliya Ahi Uu Codkiisa Doorashadda Si Xor Iyo Xalaala Ka Dhiibto Doorashooyinka Madaxtooyadda, Barlamaanka Iyo Dawladaha Hoose!!!!!!!!!!!!.

Xukuumadda Somaliland Waa Inay Ka Faaidaysato Isku Dhacyada Ay Inta Badan Isku Dhacaan Soomaaliya, Wadamadda Muslimka, Qaramadda Midoobay, Wadamadda Reer Galbeedka, Wadamadda Reer Bariga Iyo Wadamadda Afrika!!!!!!!, Xukuumadda Somaliland Waxaa Looga Baahan Yahay Siyaasad Fur Furan Oo Ay Kula Macaamilayso Wadankasta Oo Jecel In Somaliland La Aqoonsado!!!!!!, Wadankasta Oo Neceb In Somaliland Noqoto Wadan La Aqoonsado!!!!!!.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker