Dagaal maxaabiis ku dhex marey xabsi oo ay dad badani ku dhinteen

Ugu yaraan shan iyo toban qof ayaa ku dhintay, kow iyo labaatan kalana way dhaawacmeen Isniintii,markii uu dagaal ku dhex maray maxaabiis ku xiran xabsi ku yaalla dalka Ecuador.

Tani ayaa ah dhacdo kale oo uu dagaal ku dhex marey xabsi ku yaalla dalkan dhaca qeybta Koonfurta ee qaaradda Ameerika.

Waxay taasi mar kale muujiyey doodda ku saabsan xakamayn la’aanta nidaamka iyo maamulista xabsiyada dalkani.

Sida uu xafiiska xeer ilaaliyaha ku xaqiijiyay Twitter-ka, dhimashadaayaa waxay ka dhacday xarunta Xoriyadda ee xabsiga Cotopaxi, oo u dhow magaalada Latacunga, oo qiyaastii 80 kiiloomitir u jirta ee magaalada caasimadda ee Quito.

Xabsigan ayaa waxaa ku jira ilaa 4,300 oo maxbuus, waana mid kamid ah kuwa ugu weyn dalkani.

Dhacdadan ayaa bilaabmay Isniintii, kadib maxaabiista xabsiga oo ka qayb qaadanayey tirokoob ay hay’addu samaysay, oo lagu ururinayey xogta maxaabiista ku jirta xabsiyada dalka.

Sidaasi ayaa waxaa sheegay aggaasime ku xigeenka hay’adda daryeelka guud ee qaranka (SNAI) ee dadka maxbuuska ah, Jorge Flores, hadal uu saxaafadda u gudbiyey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker