Al Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ku yaalla Shabeellaha dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in saaka saacadihii hore ay Al Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo halkaa ku yaalla.

Dad kala duwan oo ay BBC la xiriirtay ayaa xaqiijiyey weerarkaas oo ka dhacay deegaanka Daaru Nicma ee ka tirsan degmada Aadan yabaal, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo kuwa macawisleyda deegaanka.

Waxay intaa ku dareen in ciidanku ay ka sii war heleen in Al Shabaab ay ku soo socdaan, ka dibna ay xerada u baneeyeen, laakinse ay meel dhexe labada dhinac isaga hor yimaadeen oo sidaas uu dagaal ku dhex maray.Waxaan kala caddayn cidda iminka gacanta ku haysa deegaanka daaru Nicma.

Dawladda Soomaaliya iyo laamaha amniga ilaa hadda kama hadlin, khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac kala gaarayna weli ma cadda.Saraakiil la socda xogta weerarkaas oo BBC ay la xiriirtay ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, laakinse aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker