XOG KU SAABSAN MASUUL KA TIRSAN XUKUUMADDA SOMALILAND OO XAMAR QARSOODI KU TEGAY

Waxa jira warar xog ogaal ah oo sheegaya in maareeyaha hay’adda wadooyinka Somaliland, Mr.Cismaan Cabdi Maxamuud uu Safar qarsoodi ah kelidii ugu baxay magaalada Mogadishu ee dalka aynu jaarka nahay ee Somalia. Hadaba sida wararku sheegayaan, safarkan maareeyuhu maaha kii ugu horeeyey ee waxa jira laba Safar oo hore maareeyuhu Mogadishu ku tagay lixdii bilood ee ina dhaafay.

Sida wararku sheegayaan, khadka safarka maareeyahu waa Hargeysa-Nairobi-Mogashu waxaana casuumadan u fidiyey xubno xilal sare ka haya dawlada Farmaajo oo uu maareeyuhu la leeyahay xidhiidh qarsoodiya. Safarkan u danbeeyeyna waxa la sheegayaa inuu ku saabsan yahay sidii  maareeyuhu ugu soo saxeexi lahaa  dawlada Farmaajo mashaariic been-abuur ah oo ay doonayaan inay kusoo qaataan magaca Somaliland.
Sidaas daraadeed, waxa fiican in dawlada Somaliland gaar ahaan wasaaradaha uu kiiskani quseeyaa ay arimahaa kor ku xusan baadhis gaar ah ku sameeyaan isla markaana talaabada ku haboon ka qaadaan.

By:

Mr.Maxamed Nuur Aaye
maxanuur@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker