Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel Oo Maanta ku Geeriyooday Hargeysa

Magaalada Hargeysa   waxaa maanta  ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo lagu magacaabi jiray Cabdikariim Aw Cali Shabeel.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Xildhibaan Cabdikariim uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay gudaha Hargeysa, hayeeshee xanuunkii uu haayay u geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Eheladiisa.

 

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Mas’uuliyiin kale ayaa tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo kamid ahaa Golaha Wakiilada Maamulkaas.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa weli ka hadlin geerida Allaha u naxariistee Marxuum Cabdikariim oo la sheegay inuu maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay.

Marxuum Cabdikariim Aw Cali Shabeel.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker