Wasiirka Warfaafinta oo Sheegay in aanay Soomaaliya Xukumin Hawada Somaliland

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in aanay Soomaaliya hawada Somaliland xukumin xataa Boqolkiiba hal.

Wasiir Cali wuxuu sidaas ku sheegay farriin uu ku baahiyay Bartiisa X (Twitter) waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:

“Dawlad aan xukumin hawada xataa Boqolkiiba hal (1%), ayaa weli sheeganaysa inay maamusho hawada.
Su’aasha taas ka dhallanaysaa waxa ay tahay: “Sidee bay u hirgelin kartaa badbaadada duulimaadyada rayidka ah marka horeba?

Jamhuuriyadda Somaliland waxay si buuxda u xukuntaa hawadeeda. Sidaas darteed, Xukuumadda iyo dadka reer Somaliland waxa ay gabi ahaanba diidan yihiin sheegashooyinka been abuurka ah ee ka soo yeedhay Dawladda Muqdisho ee ku wajahan maamulka hawada”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker