Salaadinta Beelwaynta Bariga Burco Oo Mudo Dheer Sugayey Inay La Kulmaan Madaxwayne, Balse markalena ku Hungoobay

Salaadinta Beelwaynta Habar-jeclo Oo Mudo Dheer Sugayey Inay La Kulmaan Madaxwayne Biixi Iyo Wax Jawaab Ah Oo Anay Wali kahayn.

 

Salaadiinta beesha Habar Jeclo  oo mudo 3 bilood ah Hargeisa ku sugnaa Taas oo u  jeedkoodu ahaa Sidii ay Madaxwayne biixi ula kulmi lahaayeen , Ugalana Hadli lahaayeen Arrinta Ku Saabsan Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye  .

 

Balse ilaa hada waxba ka suurto gelin.
Salaadiiinta iyo Wasiirada Beesha HJ ayaa guriga Xildhibaan Obaame ku
kulmay 10/11/2019 halkaas oo wasiiradu u balan qaadeen in ay madaxwayne
biixi salaadiinta balan ugu soo samaynayaan lakin balantaas baan gebi
ahaanba suurto gelin.

 

waxaa marlabaad fooda laysku daray isla guriga Xildhiban obaame hal kaaas
oo salaadinta iyo wasiirada beesha HJ ay mar labaad ku kulmeen una balan
qaadeen ay ka Keenaan Qasriga Madaxtooyada

laakiin  nasiib daro
wasiiradii ayaa arintaa tahli kari waayey.
Shalay  oo ay ahayd  22/2/2020 waxay salaadiinta beesha HJ quus ka Noqdeen  sidii ay madaxwaynaha u arki lahaayeen ee arintii Xisbiga kulmiye wax
uga waydiin lahaayeen, si kasta ha ahaatee arintan ayaa Noqotay Mid ay Gabi ahaanba Salaadiinta Iyo Odayaasha Beesha Habar Jeclo ay ku Daaleen ka dib markii ay Wax ballan ah oo ay kula kulmaan Madaxwayene Biixi waayee.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker