Madaxweyne Muuse Biixi Mid Kamaanu Fileyn BY Yassin Dhamac

Shacabka Iyo Cod Bixiye Yaasha Bulshada

Mudane Madaxweyne Tan Kamaanaan Fileyn Xaqiiq

1.Tan Iyo Dhalashadii Somaliland Waxaad Dhex Taagnayd Madaxtooyada Somaliland Qasriga Ugu sareeya Dalka Hadba xilkaad Doonto Aaad Hayside

4 Madaxweyne ka horeeyey iyo Hawsha Dalku hadba Halka ay Marayso Baad Goob Joog Iyo Gole Joog u ahayd Guulaha iyo khasaaraha is bar bar socday baad Goob jooge iyo Gole joogba U ahayd

In Doorashada Xildhibaanada Iyo Dawladaha Hoose Dib U dhacsameeyaan Kamaanaan Fileyn adoo Intaas Oo Waayo aragnimo ah leh Guusheeda Iyo Khasaara heeda na adaa leh Walow xusbiyadu Mar marsoonayaan Hadana Xukuumadaada Ku eedoobaysa

In Saami Qaybiga xildhibaanada ee Goboloda Cabanaya aad Gudi Heer Qarana OO Daraasad ka samaysa U Dirto Hadhowna Go aan Aaad Qaadato

In Xildhibaanada Degreeto Madaxweyne AYaa Ku furane kala dirto marka waqtigoodu dhamaado

In Guurtidan Dhaxalka maraysa Xeerkeeda la bedelo 6 Da Gobol Ee Somaliland Laga Soo doorto

In Gole Yaasha Qaranka Ee Golaha Fulinta,Golaha Wakiilada.Golaha Guurtida,Golaha Garsoorka La Iska wada dhex arko Beelaha oo Dhan ee somaliland

Waa Ayaan Daro Maanta In Xisbiyadii Mucaaradka iyo xukumada Is Qab Qabsi Dhex Mara Sumcadii Dalku Na Hoos U dhacdo xaga beesha caalamka hadii doorasho la qaban waayo Shacabka na aanay xildhibaanada 15 sano xaaraanta ku fadhiyey ee xeerarkii Doorashooyinka Samayn kari waayey ay Dalka sii Joogaan Shacabku ma yeelayo

Talo IyO Waano

Go aan Ka Se adaa iska leh Waxii Guule soo korodha amaanteeda adaa leh waxii Dib u dhaca ah na eedeeda adaa leh Midhka adoo ka duulaya

Mudane Madaxweyne Heshiiskii Khaatumo Dhamaystir Mudane Madaxweyne Shacabkii Codka Ku siiyey Gobolada Dalka ku soo wareeg oo soo ARAG Xaaladaha Iyo Tabashooyinka Jira

Mudane madaxweyne Xusbiyada Qaranka Inaad soo dhawaysataa ood la shaqaysaa La tashataa la xidhiidha la sxbtaa La Qososha Maanta adaa U madaxweyne ah Dalka Midi Da Daabkeedii adaa Haye sidii xisbiyo Tartamaya Waqtigan Inaad U dhaqanto Maaha

Arimaha Kor ku xusan Xalkoodu,Xisbiyada Xanaaqsan La sxb ahaanshahooda iyo wada shaqayntoodu Ba waa Mid Adiga Kugu Xidhan Una Baahan Karti Iyo Hufnaan iyo Caqli saliima ku xidhan

Mudane Madaxweyne Hawsha Lagu dhiibay ilaahay ha kula garab qabto Way noo Muuqataa Caqabado badan oo jirta iyo kuwo aad gaar u ogtahayba Laakiin Dadaal dheeraada Iyo Rag Kula Hawl Gala Wax Rag U Kaco Rabina Aqbalo way Rumoobaan Raga Ururso Capinat Culus kaala saara hewsha culus Far kaliya fool ma dhaqdo

Walaahu Aclama Wa Axkam

Yassin Dhamac Xasan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker