Sacuudiga Oo Ku Dhaqaaqaya Arin Ka Cadheysiinaysa Turkiga

Sacuudi Carabiya ayaa la sheegay inuu xidho  sideed iskuul oo Turkish ah, marka uu dhammaado sanad dugsiyeedkan, waxaa sidaas Arbacadii werisay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu, go’aankan oo la filayo inuu ka cadheysiiyo Ankara oo isku dayeysa inay hagaajiso xidhiidhka Riyadh.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Wasaaradda Waxbarashada Turkey ku wargeliyey in sideedda iskuul ay qasab tahay in la xidho marka uu dhammaado sanad dugsiyeedkan, sida ay sheegtay Anadolu.

Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in sideedda iskuul ay dhigtaan arday gaareysa 2,256.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey oo ay arrintan wax ka weydiisay wakaaladda wararka AFP, ma bixin wax jawaab ah.

Bishii tagtay, Wasaaradda Waxbarashada Turkey ayaa sheegtay inay dalka Sacuudiga ka jiraan 26 Iskuul oo Turkish ah.

Xidhitaanka sideed ka mid ah iskuullada ayaa sare usii qaadi karta xiisadda labada dal.

Xidhiidhka labada dal ayaa sii xumaanayey sanadihii tegay, gaar ahaan kadib dilkii 2018 qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu gaystay Jamaal Khaashuqji oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah oo dhaliila boqortooyada.

Bilihii dhowaa, ayaa si kastaba, Turkey waxay yaboohday inay hagaajiso Xidhiidhkakala dhaxeeya dalalka Bariga Dhexe, oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Masar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker