Tuug Kabo Kaxadayey Masaajid Ku Yaala Dalka Kenya Oo markii La Qabtay Lagu Qasbay inuu Cuno Basbaas Kulul

Waxaa magaala xebeedka Mombasa ee dalka Kenya lagu qabtay nin la sheegay in uu kaba ka xadayay banaanka hore ee masaajid ku yaala magaaladaasi. Ninkan ayaa sida ay ku soo warantay warbaahinta maxaliga ee dalka Kenya markii la qabtay lagu qasbay inuu cuno basbaas.

Baraha bulshada ayaa la soo dhigay ninkan oo lagu qasbayo inuu dhameeyo basbaas gacmaha looga buuxiyay. Waxaa uu qirtay inuu kabaha ka xado masaajidka, isla markaana uu u geeyo nin kale oo uu sheegay inuu qiimo jaban ku iibiyo.

Arrintan ayaa noqotay mid aad looga hadal haya dalka Kenya saacadihii lasoo dhaafay, waxaana magaaladaasi la sheegay in inta badan dadku ay ka cawdaan xatooyada kabaha masaajiddada laga xado.

Muuqaalka ayaa muujinaya ninkan oo xanuun fara badan uu ka muuqdo, sheegayana inuusan mar dambe ku kici doonin falka xatooyada kabaha. Dadka ku dhaqan dalka Kenya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya arintan, iyagoo qaarkood ay soo dhaweynayaan, halka qaar kale ay arrintan ku tilmaameen mid ka baxsan bani’adanimada.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa Masaajidda Kenya waxay hirgeliyeen qaabab kala duwan oo dadku ay ku ilaashan karaan kabahooda xiliyada ay cibaadeeysanayaan, waxaana tallaabooyinka la qaaday ka mid ah Sanaadiiq kabaha lagu ilaashado iyo kamarooyiin laga la socdo dhaqdhaqaa misaajidka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker