Eedaymo Musuq-maasuq Oo Dul-hoganaya Agaasimaha Fulinta Ee Dam-demis Oo Sababay Khilaaf Cakiran Oo Ka Dhex Qarxay Taliyaha Ciidanka Dam-demiska

Khilaaf u dhexeeya taliyaha ciidammada Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili iyo agaasimaha fulinta Ciidanka Dab-demiska Cabdiqaadir Cumar Xaashi ayaa waxa uu sababay inay istaagto qayb ka mid shaqadii xafiiska ee ciidammada Dam-demiska.

Khilaaf ayaa waxa la sheegay in uu sababay kharashaad badan oo ka baxsan hawlaha shaqo ee ciidammada dam-demiska oo uu ku kacay agaasime Cabdiqaadir Cumar Xaashi.

Warar aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan in iyada oo markii hore uu jiro tuhun ay layaab noqotay markii dhacdo ugub ah ay ka dhacyday xarunta dam-demiska Hargeysa waxaanay ahayd dhacdadaasi markii ay yimaadeen ganacsato lacago badan ku leh agaasimaha fulinta ee dam-demiska waxaanay agaasimaha ka dalbadeen in uu siiyo lacagtooda, muran xooggan dhex-maray xooggan ka dib arrintoodii waxa ay isku bedeshay gacan ka hadal, waxaana uu buuqaasi ka war helay taliyaha ciidammada Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili, markii uu kala dhex-galay ee uu dhagaystay doodii labada dhinac ayuu taliye Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili uu aad uga cadhooday arrintan iyo tallaabooyinka uu ku agaasimuhu.

Kharashkan ayaa inta badan waxa uu agaasimaha fulinta Ciidanka Dab-demiska Cabdiqaadir Cumar Xaashi ku galay gaadiid kala duwan oo uu iibiyay ragg siyaasiyiin ah iyo dad kale oo iyada aan la garanayn sababta ku kaliftay arrintaasi.

Taliyaha ciidammada Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili ayaa waxa uu si weyn uga cadhooday tallaabooyinkan uu ku kacay agaasime Cabdiqaadir Cumar Xaashi, waxaanu arrintan u gudbiyay hay’addaha ay ku khusayso.

Taliyaha ciidammada Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in aanu soo shaqo tagi doonin illaa iyo inta hawshan laga xalinayo, waxaanu xusid mudan in aanu taliye Axmed Sawaaxili soo xaadirin xafladihii furitaanka degmooyinka macallin Haaruun iyo Maxamuud Haybe.

Wararka  aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in wasaaradda arrimaha guduha Somaliland ay go’aan ka gaadhay khilaafkan, isla markaan ay go’aamisay in xilka laga qaado agaasime Cabdiqaadir Cumar Xaashi iyada oo maalmaha soo socda loo soo bandhigi doono warbaahinta.

 

Dhan kale agaasimaha fulinta Ciidanka Dab-demiska Cabdiqaadir Cumar Xaashi oo aanu la xidhiidhnay ayaa waxa uu noo sheegay in arrintaasi ay tahay waxba kama jiraan, waxaanu beeniyay wararkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker