HESHIISKII SADEXDA XISBI DHEXMARY

HESHIISKII SADEXDA XISBI DHEXMARY
Wxa layaableh amma ceebweyn ah qodobadii xisbiga Wadani diidanaa muddo sanad ka badan oo ay hawlyaraan ku saxeexeen. Taageeryaasha xisbiga Wadani waxay is waydiinayaan maxaa kalifay aqbalaada ay manta aqbaleen qodobada heshiisku qeexayo.

 

Qodobada si gaar ah laysu waydiinaayo:
Guddida Doorashooyinka ( NEC) way joogayaan inta hilkooda ka hadhay, waxaana la dooranayaa guddi cusob, labada gudina way wada shaqaynayaan ila Nov. 13/2019, Hadaba laba guddi halkay kaga taalaa sharciga doorahooyinka?
Wax ka bedlka sharciga doorashooyinka ee loo gudbinaayo Gollaha baarlamaanka, Xisbiga Kulmiye wuxuu leeyahay (62) xildhibaan markaas, side bilki loo gelinkara ansixinta tirade guddida doorashooyinka.(Haddi/if)
Moshinka wax ka bedelka xeerka dorashooyinka (11) xildhibaan oo ka kooban sadexda xisbi ayaa gudbinaayah. Hadaba imisa xildhibaan ayuu kuleeyahay xisbiga UCID barlamaanka? Marka UCID keenikaari wayo xildhaanadiisaa sow mooshinkii baaqanmaayo??

 

GEBAGEBADII:
Cirro, Jirde, Xersi, Caydiid iyo inta kale ee gudida fulinta uma muuqato dad aan wax garad ahayn hasa yeeshe timir lafbaa kujirta ee gudida fulina Wadani ha cadayso heshiiskan waxy ku bedelatay/iibsatay waayo siyaasadu waa HOO OO ISII waa wax kala iibsi.
Haddii maamulka Wadani shicibka qancinwaayo sida ay arrintani u dacaday waxay u muuqataa in dad badan oo tageeryaal ahi ka guurayaan.
Nabadgelayda iyo danta dalku waxay 80% saranyihiin Xisbiga talada haya, 20% waxa qaba axsaabta mucaaridka.

 

WAA LAYDIN SUGAYAA.
ALLA MAHAD LEH
QAADI-MAGAN

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker