Ergayga Gaarka ah ee QM U qaabilsan Somaliland iyo Somalia James Swan oo baaq culus u soo Jeediyay Dawladda FD Somalia iyo Maamul Gobleedyada

Muqidsho ( OWN) – Wakiilka gaarkaa ee XOghayaha Guud  Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo dhawaan Loo soo magacaabay xilkan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Xidhiidhka dowladda federaalka  ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

 

 

Ergeyga ayaa tilmaamay in Xidhiidh wanaagsan oo dhex-mara madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay muhiim u tahay in la gaadho xal siyaasadeed.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay marka la yagleelo xasilooni siyaasadeed in la helayo amni iyo nabad galyo buuxda.

 

James Swan oo ka warbixinayay socdaalkii uu ku tagay magaalada Jowhar ayaa sidoo kale shaaciyey inuu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha HirShabelle  ku xigeenkiisa iyo golaha wasiirada maamulkaasi,

ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ku aadan xaaladaha ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

 

Wuxuu intaasi ku daray in Qaramada Midoobay ay  sii  xoojinayso howlaheeda  Maamulka HirShabelle ,

Maamulkaasina ay Qaramada Midoobay ka furanayso xafiisyo ka shaqeynaya arrimaheeda, si ay  U hormariso howlaha ay ka qabato halkaasi.

Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa horay u booqday Garowe iyo Kismaayo, halkaas oo uu kula soo kulmay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

 

By Suxuf Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker