Ma Saami qaybsiba mise waa Blackmail iyo baad

Hordhac

Waxaan hoos ku qorani waa natiijadi aan ka soo saaray siday beelaha reer Somaliland u kala badanyihiin oo boqolkiiba intaas ah ama Percentageka beel waliba ka tahay  tirada dadka markaa ku noola Somaliland, waana 4 ka mid ah macluumaad laga heli karo  tirada   beelaha iyo waxaayabo kale ,

==Dia Paying Groups

Tiro koob lagu sameeye raga ama labka bixiye magaha beeluhu kala qaataan  shaqadeeda waxaa laha  xafiisyada Dc yada iyo cuqasha beelaha

Beesha dhexe       65.65%

Beelaha bariga iyo Galbeedka        34.37%

 

===Tirada  ka qayb gashay doorashadii  bishii Labaad Feb,1960

Beesha Dhexe       76.99%

Beelaha bariga iyo galbeedka      23%

 

 ==Tirada  cod bixiyayaasha Doorashadii  madxtooyada  ee dhacday 2010 kii

Beesha Dhex              68%

Beelaha Bariga iyo Galbeedka     32%

 

==Tirakoob UNtu ka samaysay wadankii laysku odhan jiray Jamhuuriyada Somali 2014kii

Beesha dhexe                    64%

Beelaha bariga iyo Galbeedka         36%

 

 

 

 

 

Mar alaale iyo markii Xisbiyadu ka heshiiyeen wixii dhex yaalay,ayaa markiiba lala soo baxay erayga Saami qaybsi oo aan anigu u arko  kariirad kale oo dadka qaar rabaan in ay u dhigaan doorashada laga heshiiye qabashadeeda.

Asalkaba hadad maqasho  Saami qaybsi waa cadaalad in wax lagu qaybsado.badanaba sida dheefta loo qaybsado ayaa dhibtana loo qaybsada. Magta hadaynu eegno inta ugu badan waxaa bixiya  reerka ugu rag badan. Sidaa darted ayey wixii dheef ahna ka badsanayaan. Laakin qolyahan sida ay doonayaan waa sad bursi qofba siduu ku helayo ku raadsada,Nasiib daro Somaliland waxaa jira shakhsiyaad ama beelo  ( Blackmail ) waxa ku raadsada oo micnaheedu yahay  HADAAN SIDII LA II YEELIN ,Doorasho dhicimayso , Ictiraaf helimayno, nabadi jirimayso iyo wax ciil kaa dilo.

Waxaan yar sharxi doona siday waxay doonayaan  in ay Sad bursi ku noqdeen, iyo in ay dulmiyaan beelo kale.aniga doodaydu waxay ku salaysan tahay sida reeruhu u kala badan yihiin in ay kuraasta ku kala badsadaan ,waanay dhici karta in aanay dadka qaar ku qancin tirada doorashooyin hore oo illa lixdankii ina soo maray  oo qaarkood isdiiwaan gelin ahaayeen, oo ay ku qanceen natiijadii ka soo baxday ,laakin taa waxaa lagaga gudbi kara  tirkoob rasmi ah  oo cid walba raali ka tahay.

Inta taa ka horaysa aniga waxay illa tahay in wixii MACLUUMAAD  ah ee aynu helaynayo soo ururino  darisno markaana  ka gaadho  xal ku meel kaadha ah( Inkasta oo aan anniga shakhsiyan shaki igaga jirin sida loo kala badanyaha) macluumadka aynu haynu aan midmid u soo qaadno.

Macluumadka oo seddex u qaybsan

— Ta hore waa habka aye Somalidu magta u bixin jirtay oo lagu ogaaday siday u kalabeel walba intay tahay iyo sida loo kala badanyahay

— ta labaad waa doorashooyinka wadanka ka qabsoomay xiligii maxmiyada iyo wixii ka dambeeye arinta doorashooyinkii dhacay intay Somaliland la soo noqotay dawladnimadeeda beelaha daga galbeedka tirada dad ee Doorashada uga qayb galay diiwaan gelin iyo bilaa diiwaan gelin hadal kama keeni karaan.si buuxda ayey uga qayb galeen xataa dadba Itoobiya iyo Jabuuti laga soo daad gureeye

—— Ta seddexaad waa Tira koob ka dhacay wadankii laysku odhan jiray  Jamhuuriyada Somali a. ma Somali Republic taas oo  aan beeluhu muran ka keeni Karin

Qolyaha  Sad bursiga doonaya murankooda waxay ku saleeyaan , in Gobolada ay degaan   sida Awdal beesha Isaaq cidi ka degenayn , Soolna fara ku tiris ku yihiin, waxa kale oo ay murankooda ku xoojinayaan ,in  ay Gobolka Maroodi Jeex 30% ayey beelo aan Isaaq ahayn degenyihiin , sidaa si leegna Togdheer

Markaa tirooyinka beelaha  illa xiligii Isticmaarka  ayaa percentage ka beel walba ii soo baxady ku dhuftay 82 Kursi ee manta si aan ogaado bari ,dhexe iyo Galbeed inta ku soo Hagaagi lahayd

 

A}Dia paying Group

Tiro Ku koobnayd raga,oo ah illa imika kuwa lagu xisaabtamo ee Magta bixiye,intii ingriisku Somaliland ilaalinaaye.Xafiisyada DC waxaa shaqadooda ka mid ah ururinta magaha ,sidaa dartee wuxuu caaqil waliba keeni jiray inta lab ee reerkiisa magta bixisa,sidaa wxaa lagu ogaaday tirade (BADH ama IN ) ka mid ah bulshadii Maxmiyada ku noolayd, tiradani kuma salaysna  gobolo iyo degmooyin, bal waxaynu eegi doona tirada bari ,badhtamaha iyo Galbeed ee rag ah.

 

Beesha Dhexe (Isaaq) tirada labka                                             420,000 nin

Beelaha bariga iyo galbedka{Harti,Samaroon Gadabuursi)     220,000 nin

 isugayn          640,000 nin

Waa maxay PERCENTAGEKA  ay ka kala heli lahaayeen 82 kursi

Beesha dhex                              65.65%           54 kurs

Beelaha Bari iyo Galbeed         34.37%           28 kursi

 

—————————————————————————————————————————————-B)Doorashadii  British Somaliland ka dhacday 17/2/1960

Party                                               Number of Votes  % of Votes Number of Seats (33)

Somali National League       (SNL)    42,395                52.10%                 20 seats

United Somali Party            (USP)    13,350                 16.41%                  12 seats

National United Front        (NUF)    20,249                  24.89%                 1 seat

Somali Youth League          (SYL)     4,626                    5.69%                        0

Others                                                    746 0.92

Xisbiyada  SNL iyo NUF  beesha dhex ayaa taageeri jirtay waxay heleen  52.1%  +  24.89% =76.99%

Xisbiga USP waxaa taageeri jiray beelaha darfyada             waxay heleen   16.41%

Xisbiga SYL                                                                                    wuxuu helay         5.69%

 Hadii aan kuraasta maanta oo ah  82 kursi ku qaybiyo PERCENTAGE ka berigaas

Waxay manta heli lahaayeen.

1.Beesha dhex( Isaaq)    76.9/100 x 82 =  63 kursi

2. Beelaha bari iyo Galbeed ( Harti, Samaroon iyo Ciise )     16.4/100 x 82 =  14 kursi

3. SYL                                                                                                 5.69/100 x 82 =   5 kursi    

Fiiro Gaar ah . Xisbiga NUF oo 20,000 cod helay hal kursi ayuu helay

Xisbiga USP oo 13,000 cod helay  12 kursi ayuu helay

Sidee 20,000 qof ayaa ku waaye cid matesha.

———————————————————————————————————————-

C ) Doorashadii dhacday 26 June,2010  ee Riyaale iyo Siiraanyo ku tartamayeen

Tirada cod bixiyayaasha  gobolada.

Awdal         176,916        16.5%

Sool            98,313           9.1%

M/Jeex      361,499          33.8%

Saaxil          43,090            4 %

Togdgeer   243,229          22.7%

Sanaag       146,369           13.7%

Total             Total            1,069,326

Tirada maalinta doorashada codaysay  Beesha dhexe waxay ka noqonaya             68%

 Sidaana beesha dhexe        waxay heli  lahayd                                         68% x 82 =  56 kursi

Beelaha darfyaduna  waxay noqdeen                                                         32%

Si0daana  beelaha darafyadu  waxay helilahaayaan                                    32% x   82  =   26 kursi

———————————————————————————————————————-

                                                                              

 

D)Tirakoobi UNta  ee 2014 kii laga sameeye wadankii laysku odhan jiray Jamhuuriyada Somali.

Natiijada tirakoobkani waa ka qolyaha sad bursiga doonaya ee ay  marin habaabisay (Awdal Monitor Group) si uu u badiyo beelaha bariga iyo galbeedka oo uu beesha dhexe u yareeyo  wuxuu sameeye JADWAL jeebkiisa ah,wuxuu qoraya Awdal  Isaaq 0%. Waqooyo Galbeed Tirada Isaaq 75%, Togdheer 70%, Sool 10%,Sanaag 45%Sidaa dareet wuxuu naftiisa iyo ummada kale gaadhay in Isaaqu Somaliland ka yahay 40%, Non Isaaq na yahay 60%

Anigu Awdal oo Samroon,Ciise iyo Isaaqba dagana, percentage isaaq iyo inta Samaroon Waqoyi Galbeed ( District Gabiley)ka dagta ayaan ISU TUURAY.0

Togdheer Wuxuu ka dhigay  Isaaqa 70% isaga  30%  oo uu jaray Boohoodle

Sool  Isaaqa Wuxuu ka siiye 10%  oo u jeedo tirada Caynaba degta .laakin aanigu  Boohoodle iyo Caynaba waan isu tuuray,  bicdama tira isu dhow  ayey yihiin  Boohoodle iyo Caynaba

Sanaag wxbadan muu farfarayn,sidaa darted ayaan sidan u xisaabiye

Awdal                                673,000                    19%                           15 kursi

Waqooyi Galbeed           1,242,000                  35.4%                       29 kursi

Togdheer                           721,000                     20.5%                       18 kursi

Sool                                    327,000                       9.3%                            8 kursi

Sanaag                                544,000                     15.5%                          13 kursi

ISUGAYN                         3,507,000    

 Kuraasta beesha dhexe    Waqooyi Galbeed  29 +  Togdheer 18 +  1/2   of Sanaag  =  53 kursi, 64%

Kuraasta beelaha bari iyo Galbeed                    29 Kursi, 36%

Tirada  cododka  Gobolada  doorashadii Madaxtooyada  ee 2017

Awdal       102,000        11 kursi

M/Jeex     250,000        29 kursi

Sanaag    80,000              10 kursi

Saaxil      60,000                7 kursi

Sool         65,000               8 Kursi

Togdheer      147,000      17 kursi

Total            704,000

Beesha dhex waxay tiradaa ku helilahayd    58 out of 82

Beelaha darafyaduna   waxay helilahaayeen   26 out of  82 seats.

Dhibaatooyinka ugu sahlan ee waxay ku sheegayaan sami qaybsigu keenaya waa in aan isku taagayn   beelaha waa weyn

Tusaale ahaan hadii ay dhaci lahayd I 82 xubnood  41 la siiyo beelaha bariga iyo Galbeedka

41 ka soo hadhayna la siiyo 8 beelood ee ilma sheikh Isxaqq , waxaa dhacaysa  8  ku doodaan Saami qaybsi  kuna doodaan in beel weliba 5 Kursi hesho   5 x 8 = 40 kursi ,

Beelaha kale  ee Bari iyo galbrrdna  muranka caynkaasi ihii wuu ka bilaabmaya

Samroon  Vs  Ciise

Dhulbaahante Vs warsengeli

 

Hadal iyo dhamaantii waxaan soo jeedin laha

Kow in lagudaadaalo in doorashada waqtigeedi la qabto oo aan loo joojin kuwa saami qaybsiga  ka dhiganaaya sabab ay doorasho wadanka ka dhacdo ku joojiya.way ka dhacdaa caalamka  in qolo gobo lama xisbi qaadaco doorasho oo aan loo joojin

–Ta labaad in is diiwaan gelin  la sameeyo taas oo muddo aan badnay dib u dhigi karta doorashada

==   Ta seddexaad in gobolada beesha dhexe degto dib loo eego gobol walaba inta xildhibaan ee ka soo  bixi karta. Laysuna dheeli tiro

== Ta Afraad  in xildhibaanku ku su baxo  wadanka oo dhan tiro layla meel dhigo oo aan ka yarayn  6000 ( lix kun ) oo cod.

 

 

 

Maxamad Axmad Xaaji Cali

khayre4@hotmail.com

Hargeysa

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker