Arday la wareegtay Jaamacad ku taalla Mareykanka iyo Booliska oo gudaha u galay

Booliska magaalada New York ayaa galay Jaamacadda Columbia fiidnimadii Talaadada, iyagoo isku dayaya in ay kala eryaan mudaaharaadayaal taageersan Falastiin, kuwaas oo qabsaday dhismeyaal ka mid ah fasallada Jaamacadda muddo laba todobaad ah.

Sawirro laga soo daayay telefishinada ayaa muujinayay booliiska oo galaya jaamacadda caanka ah ee Manhattan, taasoo ahayd barta ugu weyn ee mudaaharaadyada ardayda oo ku fiday tobannaan Jaamacadood oo ku yaal Mareykanka.

Saraakiisha Jaamacadda Columbia ayaa horraantii Talaadada ku hanjabay in tacliinta laga eryi doono ardaydii la wareegtay Hamilton Hall.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker