Safar ka Madaxweynaha iyo Saluuga Bulshada ee Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh laba isku beegmay

Safarka Madaxweynaha ee Gobolada Bari waa mid loo baahna in kastooy tahay inuu bariga fog gaadho Badhana shirka khamiista ee Golaha wasiirada ku qabto. W axay se bulshada ku dhaqan gobolka Daadmadheedh degmadiisa Oodweyne oo a an saaka ku suganahay suaalaha u badan ee ay is weydiinayaan ayaa ah
1.Mashaariic badan oo najaxday oo madaxweynuhu maqaska la dhax Qaado Kamay fulin xukuumadu gobolka hadii la ga tagi waayo waxa ugu tun weynaa  mashruucii garaw beerista ee xukuumadu ka hirgelisay XAAXI, nasiib daro raxmadii Eebe ayaa see jisay mashruucaas waana Sagan cas wali,
2. Waxa kale oo doodu u badan tahay ma  mashaariic cusub ayuu u dhagax dhigi  gobolka.
3. I yadoo mudooyinka Danbe bulshada gobolka ku dhaqani saluug ka muujinayeen hogaaminta badhasaabka gobolka ee wakhti xaadirkan isla markaana uu madaxweynuhu hore ugala bakhaylay gobolka inuu badhasaab dhiig cusub geliya bulshada u soo magacaabo, sidoo kalane Khilaafka haayadaha maamul ee gobolku mudooyinkii danbe ahaa mid soo noq noqda, madaxweynaha safarkiisani ma noqon doona mid wax ka badala
4.waxa iyaduna hoosta ka xariiqeen bulshadu door ka qaabilada madaxweynaha ee reer Oodweyne ma noqon doontaa mid meeqaamkii la rabay noqota oo ay soo xaadiraan dadka bulshada wax u gunta waxna u gooya kuwaas oo u gudbin kara bulshada fariimaha u sido madaxweynuhu isla markaana wixii xaq bulshadani uu leedahay uga doona madaxweynaha sida adeega arimaha bulshada balse aanu xaalku noqon waxooga kharash macanaasa jeebka ii geli.
WAXAYNU FILAABA WAA ARBACADA IYO  NATIIJADA UU KU SOO DHAMAADO SAFARKA MADAXWEYNAHA EE OODWEYNE?
mahadsanidin
BY
Cartan Maxamed Jaamac

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker