Ciidamada Israiil Oo Hoygiisa Ku Dilay Baha Sarkaal Sare oo ka Tirsan Ururka Jihaad Al Islaam

Ciidamada Israel ayaa dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Jihaadul Islaam ee ay taageerto Iiraan Ka dib weerar ka dhacay Marinka Gaza oo lgu bartilmaameedsaday ninkasi.

Dilka sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Baha Abu Al-Atta ,ayaa dhacay xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yiillay degmada Shejaia ee Gaza waxaana sidoo kale duqeyntaasi lagu dilay haweeneey,halka uu dhaawac soo gaaray laba ruux oo kale .

War murtiyeed ay soo saarteen Kooxda reer Falastiin ay maanata lagu xaqiijiyay geerida sarkaaalkasi oo da’diisa lagu sheegay 42-sano jir.

Duqeyntaasi ka dib tiro gantaallo ah ayaa lagu weerarary deegaanada dadka Yuhuudda ee ku dhow Gaza, mana jiraan faahfaahin ku saabsan khasaraha gantaaladaasi oo ka yimid madaxda Isra’il.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker