Xubin ka tirsan koongareeska oo raaligelisay Ilhaan Cumar iyo bulshada Muslimiinta

Haweeney ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa raaligelin ka bixisay hadal Islaam naceyb ah oo ay u jeedisay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ay isku gole ka tirsan yihiin.

Muuqaal laga duubay Boebert oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa waxa ay si kaftan ah argagixisanimo ugu eedaysay dhiggeeda Ilhan.

“Aniga iyo mid kamid ah shaqaalaha xafiiskeyga ayaa waxaan soo wada raacnay wiish ku yaal xarunta baarlamaanka ee Capitol, kadibna waxaan si degdeg ah kusoo galay askari walaacsan,” ayay tidhi xildhibaankan looga bartay inay taageerto kooxaha midigta fog.

Ms Boebert — oo ah saaxiibka ugu weyn ee Donald Trump — ayaa sheegtay inay ka xun tahay ayna raaligelinayso qof kasta oo bulshada Muslimka ka mid ah oo dhibsaday hadalladeeda.

Ilhan Cumar oo barteeda Twitter ugu jawaabtay ayaa sheegtay in sheekada Boebert ay tahay mid khiyaali ah oo aanay jirin meel ay isku arkeen

“Xaqiiq, doqontan hoos ayay eegtaa marka ay igu aragto xarunta baarlamaanka, waa sheeko khiyaali ah oo ay samaysay,” ayay tidh lhan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker