Maansada macalinkeen allow kaal

Maansadani waxay qiimo leh uga waramaysaa qiimaha macalinku ku leeyahay bulsho weynta aduunka iyo kaalinta lama ilaawaanka ah ee uu ka ciyaaro bulsho horumarkeeda iyo hiigsigeeda nololeed.
Maansadan waxa tiriyey cabdirisaaq axmed cigaal(darwiish) waxaanu si mug iyo miisaan leh inoogu soo tebinayaa sidu macalinku u yahay halbeega nolosha wacan, sidoo kalena dunida islaamka iyo kuwa gaaladuba ay u qiimeeyaan.
Macalinku waa furaha nolosha kaas oo dadka u iftiimiyaha aayaha nololeed sidoo kalena waa tilmaamaha ama horgalaha bulsho meel degan.

Hadaba isagoo qiimaha macalinka inoo soo tebinaya wuxu yidhi :
Madaxa dalka hooyiyo
Mudankiyo umadeeniyo
Mu’miniinta bulshadeeniyo
Muftigii diinta sidoow
Maansadu waa dhiniciinee
Maqla waanadan maanta.
Ilaahii maalig ahaayoow
Macbuudka na uumayoow
Allahaan magantiisa nahayow
Adigaan kuu maganahee
Muraadkiisa meel mari
Macalinkeena sharafta leh
Muu’min iyo gaaliyo
Muslim waa yaqaanaa
Maan lagu hanuuniyo
Masalooyin kala dhigan
Marin lagu hagaagiyo
Midho iyo hoobaan
Malabkiisa doorka ah
Iyo inu yahay muqadinkii
Madax ugu sareeyee
Maamuus ugu mudnaa iyo
Manhajkiisa gaarka ah
Macalinkeen alloow kaal
Macalinkiis allow kaal
Mid kale alloow kaal.
Macalinoow adigaa mudnaadoo
Maankiyo qalbigaba dega
Meel-walbana u dhoofsha
Sharcigaaga maraga ah
Adigaa magacaagiyo
Murtidaadu madhanoo
Milyan hadaad maqan tahay
Maqalkaagu joogaa
Macalinkeen alloow kaal
Macalinkiis allow kaal
Mid kale alloow kaal
Adigaa moogane barbaarshoo
Maareeya dunidoo
Muruqa iyo xoogaba
Maskaxdoodii baa tee
Macalinkeen alloow kaal
Macalinkiis allow kaal
Mid kale alloow kaal
Adigaa murti iyo aqoon
Madax iyo hogaan iyo
Sheekh mufti la raaciyo
Dhakhtarkii la majeertiyo
Mihnad lagu shaqaystiyo
Soo saara mudankiyo
Mabda’ooda gaarka ah
Macalinkeen alloow kaal
Macalinkiis allow kaal
Mid kale alloow kaal
Maskaxdii wacnaydoow
Macneeyaha aduunkoow
Muranli’ la raacyoow
Maati daadihiyoow
Majaraha aduunkoow
Mahadhada kii reeboow
Maqaamyada awliyaad
Muqadinkoodiiyoow
Maxamed iyo shacayboow
Muuse iyo nuuxoow
Anbiyadii mudnaydee
Duunyadu u muhatoow
Macalinkeen alloow kaal
Macalinkiis allow kaal
Mid kale alloow kaal
Intaanad meel ka dhicin
Intaan magacaagu guban
Intaan sharaftaadu madhan
Intaad tahay ruux macno leh
Inaad maamuustaan bare
Milgihiisa dhowrtaan
Midhkaasaan doonayaa
Macalinkeen alloow kaal
Macalinkiis allow kaal
Mid kale alloow kaal

 

Waxa Qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

Cabdirisaaqdarwiish72@Gmail.Com Ama 0634240189

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker