Maxaad ka taqaannaa Sayid Qudub?

54 sano kaddib!

Waxa uu tallaabada u qaaday dhanka xadhigii deldalaadda, waxa ka muuqatay kalsooni, madixiisa ayuu kor u qaadayay, waxana uu ku faraxsanaa inuu u dhimanayo wax uu aamminsan yahay.

Inyar uun ka hor waxa loo soo diray walaashii oo uu aad u jeclaa, waxa ay ka codsatay inuu warqad codsi cafis ah u qoro keli-teliskii xidhay, waxana uu ku jawaabay “Haddii aan xaq u xidhanahay raalli ayaan ku ahay xaqqa. Haddii aan xaqdarro u xidhahayna waan iskala waynahay in aan baryo oo naxariis ka raadiyo inta xaqdarrada wadda”.

Waxa lagu soo eedeeyay iskuday dil oo uu la maagganaa keli-teliskii Masar ee Cabdinaasir, waxana uu ku jawaabay “Dilka Cabdinaasir waa yool aad u liita, waxa ii yoolkaygu yahay in aan barbaariyo ummad aan Cabdinaasir oo kale oo kasoo bixin”.

Waxa lasoo joojiyay badhka, waxana loo soo diray wadaad xume u shaqeeya xukuumadda Cilmaaniyiinta, waxa uu ka codsaday inuu ku dhawaaqo “Ashahaadda” ka hor intaan xadhiga la sudhin, waxa uu u dhigay cashar lama illaawaan ah, waxa uu ku yidhi “Ashahaaddu waa ta maanta aniga la ii deldelayo, adiguna isla ereygan ayaad ku bariisaysaa oo aad ku mushahar qaadataa”

52 sano oo buure ah ayaa maanta kasoo wareegay maalintii uu Ilaahay dartii u dhintay Sayid Qudub, 29 Aug 1966 kii. Waxa uu u noolaa Ilaahay dartii, waxana uu u dhintay Ilaahay dartii. Inbadan oo loo qalad sheegay Sayidka ayaa u baahan in ay wax badan ka akhriyaan, Aadame qalad u joog ah ayuu ahaa, se geesi Islaamka usoo baxay, noloshana wax kusoo kordhiyay, hiraal fogna leh ayuu ahaa Ilaahay ha u naxariistee.

Maanta carrab kasta oo xasuustaa wuu u duceeyaa, taariikhduna way xustay, se kuwii Cilmaaniyiinta iyo daba-dhilifka gaalada ahaa ee deldalay waxa ay ku dhaceen qashin-qubka taariikhda.

Isaga, Cumar Mukhtaar, Cadnaan Mandariis iyo kumannaan kale oo Islaamkooda iyo fikirkooda sarreeya lagu haystayba maanta waa haldoorrada ummaddeena.

 

Maxaad ka taqaannaa Sayid Qudub?

 

 

 

Xamse Cumar Kujoog

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker