Mid kamid ah madaxda Soomaalida Kenya oo ka hadlay cod hadal heyn badan dhaliyay

Junet Maxamed oo ah xoghayaha guud ee isbaheysiga siyaasadda ee Azimio la Umoja ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay cod lagu baahiyay baraha bulshada oo isaga lala xiriiriyay.

Waxaa codka laga maqlayay isaga oo qorsheynayay kulan heer sare ah oo lala yeesho guddiga doorashada ee Kenya.

Junet Maxamed wuxuu codka la faafiyay mid been ah oo aan sal iyo raad toona laheyn isla markaana ay ka dambeeyeen shakhsiyaad isaga kasoo horjeedo.

Qoraal uu Junet ku baahiyay bartiisa Twitter-ka wuxuu shacabka ugu baaqay in aysan dhag jalaq u siin codka la faafiyay.

Wuxuu waaxda dambi baarista ka codsaday inay baaraan codka si ay gacanta ugu soo dhigaan dadka ka dambeeyay arrintaas.

Junet Maxamed ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn ugu dhaw Raila Odinga oo kamid ah musharraxiinta ugu cad cad doorashada madaxtinimada ee Kenya ee bishan ka dhaceysa dalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker