30 sano iyo Baadi goobkii aqoonsiga Somaliland

(Haddii aynu bedelo magaca Somaliland oo aynu la baxno magac cusub oo aan Somali ku jirin malaha aqoonsigu wuu soo dhowaan lahaa)

Qaybtii 3aad 

Qaybtii 2aad waxaan kugu soo sheegay inta Hayadood ee Somaliland u qaabilsan  ka midho dhalinta aqoonsiga, waxaana ka mid ah Hayadahaas ,Wasarada arimaha dibadda-In ka bdan 37 Wakiil iyo Wakiil sharafeed-Guddiyada arimaha dibadda ee Golayaasha-Xafiisyada Arimaha dibadda,Xisbiyadii Qaranka iyo welba qaar loogu yeedho Ergayga gaar ah,intaas oo dhan oo jirta ,haddana wax aqoonsi ah lama hayo,waayo?

 

Si haddaba aynu jawaab ugu helo ,suaasha aqoonsiga Somaliland,waxaan qaybahan idiinku soo gudbinayaa,arimaha aan isleeyahay waxay caqabad ku yihiin aqoonsiga Somaliland,waxaanan odhan karaa,waa caqabadihii  si toos ah iyo si dadbanba iiga horyimid mudadii aan ahaa howl wadeenka Wasarada arimaha dibadda Somaliland.

 

Magaca Somaliland:- 

 

Erayagga Somaliland wuxuu ka kooban yahay laba eray oo kala ah Somali iyo Land,kuwaas oo macnahoodu yahay  Somali oo ah Qawmiyada  ku hadasha Afka Soomaaliga iyo Land oo eray English ah macnihiisu yahay dhulka. 

Marka laysku daro erayada Somali iyo Land,wuxuu noqonayaa Somaliland oo la macno ah (Dhulkii Soomaalida).  

 

Erayga Somaliland waxaa bixiyey Gumaystayaashii reer Yurub Qarnigii 18aad,xilligii ay qaybsadeen Qaarada Afrika,waxaana Gumaystuhu u yiqiin Somaliland guud ahaanba dhulka ay ku nooshaha Qawmiyada Soomaalidu kuna fidsan inta u dhaxaysa Dhul badhaha  Gobolka Bariga Afrika  ilaa Gacanka Badda Cadmeed.Dhulka xilligaa loo yaqaanay Somaliland waa Dhulka ay maanta ka jiraan Dowladaha, Qayb ka mid ah Kenya—Ethiopia—Somalia -Djibouti iyo weliba Somaliland. 

 

 

Gumaystayaashii kala qaybsaday Dhulka ay degan tahay  Qawmiyada Soomaalida ayaa waxay u bixiyeen amase ugu yeedhi jireen :- 

 

  • British Somaliland (waa Somaliland) 
  • Italian Somaliland.(waa Somalia) 
  • French Somaliland(waa Jabuuti) 
  • Ethiopian Somaliland( waa Kililka 5aad) 
  • Kenian Somaliland(waa N.F.D-Deeganka Somalida ee Kenya) 

 

 

Imisa jeer baa la aqoonsaday magaca Somaliland. 

  1. Xilligii Gumaysiga waxaa loo aqoonsaday magaca Somaliland Gobolada kala duwan ee ay degaan dadka ku abtirsada Qawmiyada Soomaalida.
  2. 26 Juun 1960 waxaa la aqoonsaday in Dhulkii Ingiriisku gumaysan jiray ee loo yaqaanay British Somaliland,ay ka xoroobaan Gumaystihii Ingiriiska.
  3. 1 July 1960 waxaa la aqoonsaday in ay isku biireen British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay la baxeen magac cusub ah Jamhuriyada Somalia. 

 

 

 

 Magaca Somaliland iska bedela :- 

Xilligii aan ahaa  Danjiraha Somaliland u fadhiya dalweynaha China,waxay Dibloomaasiyiin  badan oo kala tirsan wadamada  Qaarada Afrika — Qarada Yurub. Iyo dalka Shiinaha(China) intuba igula taliyeen in aynu  iska bedelo  magaca Somaliland ,oo  aynu la baxno magac aanay ku jirin Somalia,sababtoo ah:-

  1. hore ayaa magaca Somaliland loo aqoonsaday marar badan,markaa way adagtahay in mar kale la aqoonsado. 
  2. Marka la maqlo magaca Somaliland,waxaa la moodayaa in loo jeedo Somalia,oo ah  meel ay ka jiraan Budh cad-Badeed iyo kooxo argagixiso ah. 

 

 

Magacee ku haboon in loo bixiyo Somaliland 

 

Marar aan waydiiyey qaar ka mid ah Shacabka reer Somaliland,haddii  hayaan magcyo ku ha boon in lagu bedelo magaca Somaliland,magacyadii ay soo jeediyeen intooda badani waxaa ka mid ah:- 

 

  1. North Somalia(wadamo badan ayaa leh magacaas mid la mid ah. 
  2.  Jamhuriyada Geeska Africa(wuxuu ka tarjumayaa halka aynu Qaarada kaga nalo). 
  3. Jamhuuriyada Golis (oo ay ula jeedaan Sisilada Buuraha Golis) 

 

 

Hadal iyo dhamaan ,waxaan fikir ahaan qabaa in magaca Somaliland uu ka mid yahay caqabadaha hortaagan aqoonsiga, Diblomaasiyiin faro badanina  waxay igula taliyeen in magaca Somaliland la bedelo,oo loo bedelo magac aanu ku jirin erayga Somali,sida Jabuuti u bedeshay magacii French Somaliland. 

 

 

 

 

ALLAA.              MAHAD.    LEH 

 

ALLAA. M A H A D    L E H 

Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste) 

 abdi_saleiman@hotmail.com

 fb. Abdi Saleiman.

Twitter:  @_saleiman. 

Skype: abdisaleiman1 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker