Sheeko gaaban: Saami-qaybsi WQ: Xasan Cabdi Shire

Saami-qaybsi (Sheeko)

Nin oday ah oo waayeel ah ayaa xanuunsaday, markii u fishay inu qarka u saaranyahay geerida ayuu la dardaarmay caruurtiisa dhankasta,  laakiin ha u badnaato dhanka dhaxalka maalkiisa oo sida caadada ah awlaaddu isku qabsato.

Odaygu wax la taabankaro oo xoolo ah ma lahayn,  waxa se uu lahaa hal sac iyo hal buste. Intan ayuu u qaybinayay labadiisa wiil,  “mid na habeenkii saca ha maalo, bustaha na ha ka huwado dhaxanta iyo qaboowga kan kale na maalintii saca ha maalo bustaha na ha huwado” intaas ayaa odaygu ku afmeeray dardaarankii.

Sidaas ayay ku aqbaleen, labadii wiil. Kii habeenkii ku qornaa ayaa saca maala kana bilaaba maqribka marka uu sacu daaqa kasoo xeroodo ayuu si wanaagsan gacanta u mariyaa, aroortii na intaan waagu beryin ayuu sii maalaa oo waxba kagama tago Cano ah, bustaha na sidaas ayuu dhaxanta kaga huwada oo badhaadho ayuu farta daray aan tudhaale lahayn.

Kii maalintii lahaa maalista iyo bustaha ba, aroortii sacii oo la soo maalay ayuu helaa oo dhibic caano kama gobo’ siiyo, busta na maalin uma baahna oo dhaxan iyo baahi kale ma jirto, maalintii saca laftigiisu waa daaqayaa oo lama maali karo, intaas oo dhibaato ah ayaa ninkii maalinta lahaa isugu timi. Talo ayaa isugu timi, waxa uu go’aansaday in uu dib ugu laabto walaalkii oo saami-qaybsiga dib loo gu noqdo.

Labadii wiil ayaa isku yimi kii maalintii ayaa cawday oo yiri “war walaaloow wax iga sii caanaha habeenkii” kii kala waa ku gacansaydhay isaga oo niyaddiisa ku jirto in ay tahay sidii halka mar laysku siray.

Maalinlihii  markaas waxa uu bilaabay in uu casarkii marka uu gabalku sii dhacayo inuu bustaha biyo galiyo oo habeenkii oo dhan u qoyanaado kii lahaa habeenkii na kama hadli karo oo waxa uu ahaa go’aan maalinnimo ku dhacay dhaxantii na u dulqaadanwaayo illayn waa nin u bartay dugsi e, halka saca na uu geesaha kasii tummi jiray si uu u gaaggaxo una diido godlashada.

 

Taasi, waxay sababtay in labada dhinac ba wax la’aan  ku dhacdo.

 

 

 

Xasan Cabdi Shire

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker