Xisbiga wadani waxey barnaamush ka dhigteen Eedayn iyo dhibaato markaasi jirta in ay buunbuuniyaan !

Ugu horryn waxaan salaamayaa bahda saxaafada guud ahaan iyo gaar ahaanba “ascw”
Salaam ka dib waxaa aan aad iyo aad ula yaabaa  Raga xisbiga wadani matala hadey tahay  gudoomiye iyo  afayeenba  qaabaka ay u hadlaan oo ka fog milgaaha siyaasada iyo waliba  aqliga fiican.
Xisbigaasi waxa ay inta badan saxaafada afka somaliga ku hadasha mariyaan warar lid ku ah jiritaanka somaliland  iyo warar niyad jab ku ah shacabka somaliland.
Xisbiga wadani waxey  . Buunbuuniyaan. Jahbado dagaalo iyo kharbudaad ka wada somaliland
Xisbiga wadani waxey  somaliland ka bixiyaan sawir ah kala qaybsanaan qabyaaladeed.
Hadaba marka aad eegto hadalada iyo ficilada ay warbaahinta mariyaan  dadka matala xisbigaasi iyo taageeryaashuba ma la odhankaraa  xisbigaasi  ma kala jecla burburka somaliland  iyo jiritaankeeda ?
Ugu danbeyn  xisbiga wadani dadka warbaahinta uga hadlaa maaahan dad leh xog iyo sir  ee waa dad aan fahansaney waxa loogu yeedho siyaasada iyo habka looga hadlo  arimaha dowladnimada waa kuwo  aan runtii laheyn aqoonteeda iyo khibradeedatoona  ,balse waxaad moodaa kuwo xaafadadhoodii  la murmaaya,waxaan fiican in ay dadkaasi ceebtavliidista dadka reer somaliland ka daayaan warbaahinta ,oohadad dhimaneyso dhareerkaa la iska duwaaye ay u hadlaan sida ummadaha kaleba ubhadlaan ooy ay cayda iyo calaacla iyo waa la babay iyo tolaayaday iska daayaan.
Sidaasi darteed shacabka somaliland waa in ay ka digtoonaadaan ficilada ay xisbigaasi sameynayaan waa kuwo aan dalkan iyo dadkan toona loogu  tudheyn.
Qore: Tahir hussein

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker