Trump Oo Lagu soo Dhaweeyay India & Una Ballan Qaaday inuu Ka Iibin Doono Agab Milatari oo Casri ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay in Mareykanku uu Saxiixi doono Heshiis  Lagaga iibinayo dalka India Diyaaradaha Qumaatiga u kaca iyo qalab militari oo ku kacaya ilaa saddex bilyan oo dollar.

 

 

Ku dhawaaqistan ayaa Timid mar uu Trump ka hadlayay isu soo bax lagu soo Dhoweynayay oo ka dhacay magalaada Ahmedabad ee Dalka Hindia  halkaasi oo dad gaadhaya 100 kun ay ku soo Dhaweeyeen  si ay u dhagaystaan Madaxweyne Trump iyo Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi.

 

Ka hor booqashada, Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Heshiis ganacsi oo  weyn uu  ka dhexeeyo labada dal . . Laakin khudbaddiisa maanta ayuu ku ballan qaaday in labada dal ay yeelan doonaan mid ka mid ah Heshiisyada ganacsi ee ugu weyn Dunida.

 

Labada mas’uul ayaa ammaanay Cilaaqaadka ka dhexeeya Mareykanka iyo India.

 

“America wey jeceshahay India. America waa ay xushmeysaa India, America waligeedba waxay ahaan doontaa saaxiibka dhabta ah ee shacabka India,” ayuu Trump yidhi.

 

Waxa uu sheegay in labada dal ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan la dagaalanka argagixisada.

“Xuduudeheenu waa ay ka xirnaan doonaan kuwa argagixisada ah, iyo argagixisanimada, iyo dhamaan fikradaha xagjirnimo,” ayuu yiri.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker