Keennee Gardaran?! W/Q: Axmed Iid Aadan

Nin aqoonyahan ah ayaa beri diyaarad raacay, waxaanu tegey dal kale oo aan kiisii ahayn. Markii uu diyaaraddii ka degey, si uu meeshii uu danaynayey u gaadho magaaladana u galo, waxa uu kiraystay gaadhi tagsi ah. Meeshii uu doonayey magaceedii iyo tilmaamaheedii (address) oo qoran buu ninkii tagsiga waday u dhiibay, wadihiina wuu gartay oo muddo yar ka dib wuu geeyey.

Wadihii ama tagsiilihii waxa uu ninkii aqoonyahanka ahaa u sheegey in uu lacag toban doolar ah bixiyo. Aqoonyahankii waxa uu yidhi, “Mitirka gaadhigaaga waan arkay oo waxa uu qoray kow iyo toban doolar, adiguna waxa aad i weydiinaysaa toban doolar, sidee ayay wax u jiraan?” Wadihii waxa uu yidhi, “Meel dhisme ah ayaan ka soo wareegey. Haddii aanan halkaa ka soo wareegi lahayn, oo aan toos u soo socon lahaa toban doolar buu noqon lahaa. Sharci ahaan kow iyo toban doolar waan ku doodi karaa, hase yeesho ee akhlaaq ahaan waxa aan gar u yeelanayaa intaa aan kuu sheegey.”

Wadihii tagsigu hadalkii waa uu sii watay, waxanu yidhi, “Dalkayaga inta badan dalxiis ayay dadku ku yimaaddaan, waxayna joogaan afar ama shan maalmood. Marka ay hawluhu laamaha socdaalka uga soo dhammaadaan, habdhaqanka ugu horreeyaa waa ka ay kala kulmaan tagsiilayaasha. Haddii uu habdhaqankaasi mid wanaagsan noqdo, sawir fiican ayay waddanka ka qaadanayaan, inta u hadhayna waa ay wacnaanaysaa, waanay qurux badnaanaysaa. Sidaa darteed wade baabuur uun ma ahi, ee waxa aan ahay dajire aan baasabboor diblomaasi ah haysan.”

Ninkii aqoonyahanka ahaa waxa uu sheegey ninkii tagsiilaha ahaa ee sidaa u fikirayey aqoontiisu in ay dugsi dhexe ku sinnayd, hase yeesho ee uu sidaa ku ahaa nin aqoonyahan ah oo ay shaqsiyaddiisu sarrayso.
Ninkaa tagsiilaha ahi nin meel uun xukuumad xidhiidh kala leh ma uu ahayn, ee waxa uu ahaa muwaaddin dalkiisa jooga oo si madax bannaan isaga shaqaysanaya. Markii uu sidaa quruxda badan u hadlayey dawlad iyo wax la mid ah kama uu fikirayn, ee qiimaha uu dalkiisu leeyahay ayuu maanka ku hayey.

 

Innaga, arrimaha dadkeennu waa qaar yaab leh. Intaa aynu ninkaa ka barannay oo ah inta ugu yar iyo waxyaalo kale oo badan baa inaga maqan. Dadkuna isku mid aha, ee facan dambe ee shan iyo labaatankii sano ee u dambeeyey garaadsaday, oo aan wax badan ogeyn, ayaa wacyi-gelinta ugu badan u baahan!

 

Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
April 6, 2020

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker