Reer galbeedka iyo Ruushka oo isku dhegan

Xurgufta u dhaxeysa Ruushka iyo Gaashaanbuurta NATO ayaa mar kale cirka isku shareertay, ka dib markii dalalka reer galbeedka qaarkood ay ogolaadeen in hubka ay siiyaan Ukraine ku weerari karto gudaha Ruushka, taas oo Moscow ay u aragto khad cas oo laga soo gudbay.

Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo ayaa marar badan uga digay reer galbeedka in hubkooda lagu soo weeraro bartilmaameedyo ku yaala dhulka Ruushka, haddii kalena ay keeni doonto cawaaqib aan la mahdin doonin.

Jarmalka ayaa Jimcihii u ogolaaday Ukraine in hubka uu siiyo ay ku garaaci karto goobo xadidan oo gudaha Ruushka ah, gaar ahaan saldhigyadiisa militari ee ku yaala aagga xuduuddka Kharkiv.

Berlin ayaa sheegtay in gantaalada ridada dheer ee ay Ukraine siiyaan ay u isticmaali karto bartilmaameedyada Ciidamada Ruushka ee aagga xuduudda labada dal.

Mareykanka ayaa goor sii horreysay ogolaaday tallaabadaasi oo kale, isagoona wax ka bedelay mowqifkiisii hore ee siyaasaddooda hubka ay siiyaan Ukraine.

Washington iyo Berlin ayaa tallaabadan qaaday, si Ukraine ay u difaacato Gobolka Kharkiv, oo xaruntiisa ay isku magaca yihiin ay ku taalo meel 20km u jirta xadka Ruushka. Kharkiv waa magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi Ukraine.

Reer galbeedka ayaa horey u diidanaa in hubkooda ay Ukraine ku weerarto gudaha Ruushka, si looga fogaado isku dhac labada dhinac ah.

Is bedelkan siyaasadeed ayaa imanaya, iyadoo Ciidamada Ukraine ay bishii May lumiyeen dhul ballaaran oo ku yaala gobolka waqooyi bari ee dalkaasi, ka dib dagaalo lagu riiqmay, ayna la wareegeen Militariga Ruushka.

Saraakiisha Ukraine ayaa muujiyay, sida ay uga xun yihiin xanibaadaha isticmaalka hubka reer galbeedka ee gudaha Ruushka, haddase waxaad mooddaa in wa-xoogaa nafis ahi ay dareemayaan.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa go’aanka Jarmalka iyo Mareykanka ku tilmaamay tallaabo Kyiv ka caawineysa inay muwaadiniinteeda ilaaliso.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa Magaalada Stockholm kaga qaybgalay shir madaxeedka dalalka Nordic la isku yiraahdo, kuwaa oo saxiixay heshiis laba geesood ah, waxayna ballanqaadeen inay muddo dheer garab taagnaan doonaan Ukraine, si ay isaga difaacdo Ruushka.

Dowladaha Sweden, Finland, Norway, Denmark iyo Iceland ayaa Zelenskyy u muujiyay inaysan meel cidlo ah uga dhaqaaqi doonin, illaa iyo inta ay taageeradooda u baahan yihiin.

Zelenskyy oo ka hadlayay shirkaasi ayaa sheegay in ciidamadiisu ay dhawaan awood u yeelanaan inay weeraraan gudaha Ruushka, si loo difaaco Kharkiv.

Dhanka kale Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Amniga Qaranka Ruushka, Dmitry Medvedev ayaa sheegay in Ukraine iyo NATO ay la kulmi doonaan cawaaqib aad u daran.

“Isbahaysiga NATO ma awoodi doono inuu ka fogaado inuu si toos ah ugu lug yeesho colaadda.” Ayuu yiri Dmitry Medvedev.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa toddobaadkii hore ka digay ku lug lahaanshaha reer galbeedka ee colaadda Ukraine, taas oo keeni karta buu yiri dagaal la isku adeegsado nuclear.

Madaxweyne Putin oo booqanayay Magaalada Tashkent ee dalkaasi Uzbekistan ayaa sheegay in NATO ay ku ciyaareyso dab, kolba haddii ay Ukraine u fasaxaan in hubkooda ay ku weerarto qayb ka mid ah dhulka Ruushka.

“Xaaladda kicitaanka joogtada ah waxay keeni kartaa cawaaqib xumo. Haddii cawaaqib xumadan halista ah ay ka dhacdo Yurub, sidee buu Mareykanku u dhaqmayaa, annaga oo maskaxda ku hayna sinnaantayada hubka istiraatiijiga ah? Way adag tahay in la yiraahdo, ma waxay rabaan colaad caalami ah?” Ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Xulafada reer galbeedka ee Ukraine ayaa qaarkood horey walaac uga muujiyay in dagaalka Ukraine uu isku dhac ka dhex abuuro NATO iyo Ruushka.

Ka dib markii Ruushka uu 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 uu weeraray dalka Ukraine, xiisadda kala dhaxeyso reer galbeedka ayaa gaartay heerkeedii ugu halista badneyd, xilli la hadalhayo inuu dhex mari karo dagaal la isku adeegsado hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

Hadalada xanafta leh ee ka soo yeeraya hoggaamiyeyaasha reer galbeedka iyo taageeradooda militari ee Ukraine ayay Moscow u aragtaa daandaansi iyo mid soo dedejin karta dagaal weyne, waana cawaaqibka uu mararka badan Putin ka digay.

Kremlin-ka ayaa muddadii uu socday dagaalkan waxa uu adkeysi badan u lahaa taageerada militari ee ay reer galbeedku siiyaan Ukraine, markaas oo Ukraine ay ka hortagnaayeen in hubkooda ay ku weerarto gudaha Ruushka, marba haddii ay bedeleen siyaasaddoodii hore ayay khubaradu sheegayaan in Ruushku uu garaaci karo meelo ka baxsan xuduudaha Ukraine, isla-markaana ay noqon karto bilowga dagaalkii 3aad ee adduunka.

Ruushka waa dalka madaxyada ugu badan ee hubka nuclear-ka haysta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker