Maddaxda Somaliland oo dhan; Waar Hooy Dadka Ha dulmiyin IYO Dalkaba .by; fuaad maxamed qawdhan london

DULMIGU WAA MUGDI ADUUNKA IYO AAKHRIBA

Magaca Ilaahaybaan ku bilaabaynaa, waxay mahaddu u sugnaatay Allah (S.W.T), waxaana sidoo kale ku sallinaynaa suubanhihii Nabi Muxamed oo ahaa Raxmadii Caalamiinta. Walaalayaal waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka oo ah Assaclaama calykum wa raxmatullah wa barakaatuhu. Maqaalkanina wuxuu ku saabsan yahay Dulmiga iyo qaybihiisa kala duwan sidoo kalen cidhib danbeedkiisa.

Waa maxay Dulmigu? Dulmigu macnihiisu waxa weeyey xadgudub iyo in wax la dhigo meel aan ku haboonayn, waana lidka kasoo horjeeda Cadaalada.

Dulmiguna waxa loo qaybiyaa sadex qaybood oo waaweyn, waxayna kala yihiin.

  • Inay dadku dulmiyaan wax u dhaxeeya ayaga iyo Rabigood, waana dulmiga ugu wayn oo ah gaalnimada iyo munaafiqnimada. Sidaas darteed ayuu Allah yidhi : {إن الشرك لظلم عظيم} [Shirkigu waa dulmi wayn] [Luqman 13]. Sidoo kale isagoo Rabi fogaynaya dadka dulmigan la yimid ayuu yidhi:  {ألا لعنة الله على الظالمين} [Lacnadi korkooda ha ahaato daalimiinta]
  • Dulmiga labaadna waa ka u dhaxeeya dadka dhexdiisa, isagoo Rabi ka hadlaya dulmigaasna wuxuu dhahay:

{وَجَزَاء سَيِّئَةٍ سَيِّئَةٌ مِّثْلُهَا فَمَنْ عَفَا وَأَصْلَحَ فَأَجْرُهُ عَلَى اللَّهِ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الظَّالِمِينَ} (سورة الشورى:40)

[Xumaan abaalkeeduna waa ku abaal marin mid lamid ah Ruuxiise iska cafiya oo wanaajiya ajrigiisa Rabibaa siin, Ilaahayna ma jecla daalimiinta.

                QOFKA CUNA XOOLLAHA DADWEYNAHA

nkastoo dhamaan sadexdaa qayboodba uu qofku naftiisa dulmiyey, hadana bal aynu  soo qaadano tusaalayaal kamida sida in ruuxu uu cuno xoolo dadweyne ama uu garaaco oo uu caayo dad tamar yar oo ah qaab gardarro ah. Waxa kale oo kamid ah dulmiyada waaweyn in la cuno xoolaha aagoonta ama inaad qof ku raajiso inaad u celiso xaqiisii adigoo awooda ama haweenayda oo loo diido maherkeedii, biilkeedii iyo hugii ay gashan lahayd ama ayadoo loo diido mushaharkii qofkii shaqaalaha ahaa qaadanayey ama in dhaxalka qaab xad gudub ah uu mid kamid ah kuwa wax dhaxlayaa kaligii u qaato ama uu isu siiyo waxaan sharcigu u ogolayn.

Guud ahaan dulmigaas waxay culumadu ku tiriyaan inuu yahay danbiyada waaweyn. Ilaahayn (S.W.T) wuxuu dadka ku halaaga markay dulmigan la yimaadaan, waxaanu dhahay Rabi isagaa xumaan ka nasahan oo ka dheeree. {وتلك القرى أهلكناهم لما ظلموا وجعلنا لمهلكهم موعدا} [Taasina waa magaalooyinkii aan halaagnay marka dulmi la yimaadeen waxaanan u yeelnay halaagoodii ballan.

Qofka daalimka ah ee Umada Ilaahay ku gardarrooda Ilaahay waa u kaadiya balse markuu Ilaahay qabto wuxuu u qabtaa si adag, waxa Rasuulkeenuyidhi :

عن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إن الله ليملي للظالم، حتى إذا أخذه لم يفلته، ثم قرأ: {وكذلك أخذ ربك إذا أخذ القرى وهي ظالمة إن أخذه أليم شديد} » (رواه البخاري ومسلم)

Abumusua Al-ashcari waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu yidhi : Ilaahay wuu u kaadiyaa (sugaa) Daalimka, illamaayo uu qabto kamana fakado, markaasuu akhriyey (aayadan) : [Sidaas ayuu Rabigaa u qabtay markuu qabtay magaaladii ayadoo dulminaysa Qabashadiisuna waa mid aad udaran.

qoraalkan waxaan ugu  talla galaeu dhamaan madaxda dalka katlisa somaliland ineey wax ku qaataan, mid xafiis fadhiya iyo mid madaxweynaba.

Waxaa qorrey fuaad maxamed qawdhan,. arimaha bulshada london

facebook; fuaad qawdhan

mr_qawdhan@hotmail.co.uk

0044738393135563

Waxa kale oo uu Nabigu (N.N.K.H) uu yidhi: Ka dhawrsada Dulmiga maxaa yeelay waa mugdiyaal maalinta qayaame. Sidoo kale Nabigu wuxuu dhahay: Cidii dulmida hal taako oo dhul ah wuxuu Ilaahay la gooyaa todobada Dhulba. Waxa kale oo Nabigu dhahay (N.N.K.H): ha noqonina dabayli dhaan raacday ood dhahdaan: hadii dadku wanaagsanaadaan waan wanaagsami, haday dulmiyaana waanu dulmin hase ahaatee naftiina dajiya oo markay hagaagaan la hagaaga, kolkay xumaadaana ha dulminina.

Waxa kale oo Nabigeenu inoogu dardaarmay xadiiskii cajiibka ahaa ee dhanksta taabanayey, wuxuuyidhi  Nabigu (N.N.K.H):

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «لا تحاسدوا ولا تناجشوا ولا تباغضوا، وكونوا عباد الله إخوانًا، المسلم أخو المسلم، لا يظلمه، ولا يخذله، ولا يحقره، التقوى ها هنا ـ ويشير إلى صدره ثلاث مرات ـ، بحسب امرئٍ من الشر أن يحقر أخاه المسلم، كل المسلم على المسلم حرام، دمه وماله وعرضه» (رواه مسلم)

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu yidhi; Rasuulkii Allah wuxuu dhahay: Ha is xaasidina, hana is dulminina hana isu cadhoonina, noqdana adoomada Ilaahay ee walaalaha ah, qofka muslimka ah waa walaalka muslimka kale, ma dulmiyo mana dulleeyo mana xaqiro, Alla ka cabsiguna waa halkan (wuxuuna ishaaray laabtiisa sadex jeer) waxa qof sharka ugu filanba inuu yaso walaalkiisa muslimka ah, muslimku muslimka kale waa ka xaaraan dhiigiisa, xoolihiisa iyo sharaftiisaba. [soo saray muslim.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker