Ciid Wanaagsan iyo Bogaadin

Intii ay isugu keen darsameen korona fayraska iyo Nisha Ramadan, waxaa soo kordhay kelmadda ‘ caadiga cusub ‘.

Marka laga yimaaddo Ciidamada kala duwan oo qudhoodu si dadban u wadaaga, waxaa caadi noqotay in aan la isi salaamin iyo kelinimadda oo saamayn weyn ku yeelatay Shaqaalaha iyo ardayda oo ah inta badan Dal kasta.
Waxaa caadi noqotay in Tikmoolojiga la miciinsado, wax badana uu fududeeyey, sida in ardayga iyo macalinku ku xidhiidhaan, in dowladdu ku xisaabtanto iyo in guriga lagu shaqeeyo iyadoo aan loo baahnayn horjooge Isha kugu haya,
Tiknoolojigu wuxuu inoo fududeeyey wax aan la soo koobi karin, inaga oo ka fog, markay ardaydu wax baranayaan, waxaa inoo sahlanaatey in aynu ogaano, in Manhajka Somaliland yahay A level, halka ardaydayadii hore ka noqonayno O level, gaarna waxaa u dareemi kara inta khibraddaa leh. Waxaa xaqiiq ah in Kimisteriga iyo Xisaanta ama Sayniskuba ay heerka sare ee sanadka hore Jaamacadaha lagu qaato ay yihiin, gaar ahaan Tiriginoomateriga, Calculasta iyo Organic Kimisteriga.
Waxaa Bogaadin inaga mudan Macalimiinta oo ay dad badani tayadooda suqa yaraysan jireen. Waxaa amaantaa mucdeeda leh shirkadaha is gaadhsiinta, Tvga Qaranka iyo Sahan TV, kuwii iyaguna ina madadaaliyey, Qarankana qurxiyey sida Astaan TV iyo Universal TV.
Mar haddii dadkii Qaadka u xidhnaa saamaxaad Madaxweyne lagu sii daayey, qoysasna ku waxyeeloobeen, qaarna ku burbureen. Waxaa habboonayd arrinta gaadiidka lala wareegey mar haddaan la xaraashin, in Jananku arrintaa si qabow oo aan degdeg lahayn u dabo galo, iminkana haraggoodii intuu ku celiyo qashinkooda ha u soo celiyo iimaan laawayaasha sharci jebinta ku kacay. Waa haduu doono.
Madaxdayadu way ogtahay in aanu jirin nin Sacad yoonis la yidhaahdo oo colaad hurinayaa. Halka loo marayo nabada waynu wada garanaynaa ee xaska ka soo horeeya ha laga guro. Maxamed iyo Maxamuud hala kala dabro, Buur madow iyo Siciid Yuusufna hala dhex galo, iyadoo loo marayo Raggeedii la dayriyey.
Waxaan Tacsiyadaynayaa Qoysaskii, Qaraabadii iyo Qarankeena ay ka baxeen Muj Xasan Guure, Aqoonyahan Ibraahin Barre, Aqoonyahan Cabdi Cabdillaahi iyo Ganaraal Fooxle. Illahay Janadiisa ayaynu uga baryaynaa Boqorka.
Ciid Wanaagsan dadkaygoow.
Bashiir Tarabbi Oogle,
London, England.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker