Iran oo xukun deldelaad ah ku fulisay qofkii labaad oo ka mid ahaa dibad-baxayaasha

Dawladda Iran ayaa Isniintii sheegtay inay xukunkii labaad ku fulisay maxbuus loo haysto mudaharaadadii dalka Iran ka bilaabmay bishii September ee sannadkan, ka dib markii dhimatay ay haweenay ay xabsiga dhigeen, ciidamada booliska ee anshaxa, kuwaas oo ku eedeeyey gabadhaas yar inaanay si habboon u daboolin timaheeda.

Wakaaladda wararka ee Mizan ee ay maamusho hay’adda garsoorka ee dalkaas ayaa sheegtay in Majidreza Rahnavard lagu fuliyey xukun deldelaad ah oo ka dhacay magaalada Mashhad, tallaabadaas oo digniin u ah dadka kale.

Rahnavard ayaa lagu eedeeyey inuu si ba’an u toorayeeyey laba askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee magaalada Mashhad bishii hore, ka dib markii uu ka cadhooday in masuuliyiintu ay dil toogasho ah kula kacayaan debedbaxayaasha.

Kooxaha debedbaxayaasha ayaa sheegay in dawladda Iran inay illaa haatan dil ku xukuntay ugu yaraan toban qof, ka dib markii la soo taagay, maxkamad xidhan oo aan dadweynaha loo ogolayn inay ka qaybgalaan dhegaysigeeda. Muddo saddex bilood ah oo mudaharaadadu ay socdeen waxaa dhintay illaa 488 qof.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xabsiga la dhigay illaa 18,200 oo qof.

Rahnavard ayaa noqonaya qofkii labaad ee ka mida debed baxayaasha ee lagu fuliyo xukun deldelaad ah.

Qaybo ka mida warbixinadan waxaa laga soo xigtay AP, AFP iyo Reuters

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker