Madaxweyne-ku-xigeenka Jsl Oo oo isu diiwaangeliyey Qaadashada Kaadhka Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE,  Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta isu diiwaangeliyey qaadashada kaadhka shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo dhawaan furmi Hargeysa ka dhici doona.

Madaxweyne-ku-xigeenka waxa sidoo kale  qaadashada kaadhka shirweynaha KULMIYE isla diiwaangeliyey oo ay wada-jir u tageen xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo wershedaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo ay isla maanta isugu tanaasuleen kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga oo uu madaxweyne-ku-xigeenku ka tanaasulay u tartankiisa.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere, siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan saraakiisa sare ee xisbiga iyo guddoomiyaha guddida qaban-qaabada dhirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka iyo wasiirka Ganacsiga ku wehelinayey socdaalka gaaban ee ay xarunta dhexe ee xisbiga iskaga diiwaangeliyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker