Ra’iisal wasaare Rooble oo si kulul uga hadlay hadalkii ka soo yeeray madaxweyne Farmaajo

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo saarey war saxaafadeed, kaasoo uu kaga jawaabayo war kasoo baxey maanta aroortii hore xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisal wasaare Rooble, ayaa sheegay in aanu aqbaleyn in murashax gaar ah uu ku takri falo hanaanka doorashada.

“Tan iyo intii uu Ra’iisul Wasaauruhu la wareegay hoggaaminta howlaha doorashada, Madaxwaynuhu waxa uu si joogto ah caqabad ugu ahaa hirgalinta doorashadii lagu heshiiyay, isaga oo isticmaalayay xeelado kala duwan kuwaas oo markii mid la xaliyaba uu buurayay mid kale ilaa uu saaka si cad oo sharciga baalmarsan u soo saaray baaqan mas’uuliyad-darrada ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in qoraalka uu soo saarey uu uga gol leeyahay in lagu wargaliyo shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba iney la socdaan halka xaaladdu ay mareyso.

Farmaajo ayaa warqad xalay xafiiskiisa lagu baaqay in la isugu yimaado shir wadatashi, si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker