Waxbarashadda Loo Socddo (Q6aad)

In badann oo Waxbarashadda ardeygeenna ah ayaa markii horreba waxa ay si habsami leh uga qabsoomi jirtey dibadda fasallada,Waayo Ardeygeennu Wuxuu la baxaayey shaqo guri (Assignment),wuxuu ahaa mid casharro loo direy soo baadhaayey,wuxuu ahaa mid akhris dheerraad ah iyo aqoonkorodhsi u booqann jirey Shebekaddo iyo Mareego kala duwan,Waxey-ahaayeen kuwo intii dugsiga loogu soo dhigey dib  u akhrista Xiisadda ka dib,Waxey- ahaayeen kuwo Muuqaallo duubann oo dhageysi ah kala soo deggaayey (Youtube)(waa meel aqoon dhageysi oo diyaar ah ardeygu uu ka hellaayo xirfaddo badana maqal iyo muuqaal laggaga baran karro cilmiyadda).

 

Ardeydu horre ayey iskood u ahaayeen Xalliyayaal baahiyaha ay qabaan si waxbarashadu u socoto,waxaanney la soo jaanqaadeen isbeddelo badan oo ku yimi hannaanka wax dhigista si qaradka iyo ujeeddada tacliinta loogga wada midha dhalliyo.Dhanka Tiknolojiyadda ayey uga guuraayeen waayadannba middii dhaxalka aheyd ee horre iyagga oo wada shaqeyn dhow la lahaa macallimiinta badan ee awalba tiknolojiyadda siyaabo kala duwan u addeegsan jirey.Tiknolojiyaddu waxay Waxbarashaddii ka dhiggtey mid innagu wareegsan oo dhan kasta innaga xiggta.hadda ardeydeenni waxa ay addeegsanayaan Telefoono casri ah iyo Kumbuyutero,amma (Tablets),waxaanna socota barasho ku hirgaleysa Tiknolojiyadda,waayo waxbarashadda oo ah mid arrimaha bulshada xidhiidh toos ah la leh ayaa u suurtagalisey ardey badan isdhexgal iyo in la socod lala yeesho ardeyda kale si casharadii loo helo.arrintani waxa ay tusaale u tahay sida waxbarashaddu nolosha ugu soo jirtey,waxna loo baran jirey wakhtiyadii adkaa ee Safaradda loo geli jirey duruusta,waxa abuurmey jawi ardeydu ay iskood uga fekerayaan casharradda si aynnaan meel keliya iskugu koobin,karaanka ardeydana loo tijaabiyo(Tiknolojiyaddu xaafad qudha ayey adduunka ka dhiggtey dhanka waxbarashada iyada oo baahisey,ballaadhisey isku filnaanshano xag kasta horseedey).

Macallimiintii Dalku waxa ay iyagunna dhankooda laba jibaareen dedaalkii iyo kartidii si ay ardeyda u gaadhsiiyaan casharadda iyaga oo la halggamaaya xaaladdan cussub ee horta leh,sida lama filaanka ahna innoogu soo boodey badhtamihii sannaddugsiyeedka,iyaga oo aan heysanin qalab badan oo isgaadhsineed, aqoon badanna aan u laheyn tiknolojiyeynta waxbarshadda,haddeynu dhinac kale ka eegnana mey jirin barrayaal badan oo soo sameystey amma lahaa Shebekaddo(Website) Cilmiga laga helo,akhristo amma baran karro oo intooda hadda soo baraarugeysey ayaa (Page FB) abuuraneysey.

Adduunyada aynu maanta ku noolnahay ugu danbeyntii qeybtan wey yar yihiin xarumaha aan waxbarashadooda u dhameystirin kaaliyayaasha alaabeed,Dhallill bey innagu tahay in aan aqoonta u doonan jirney dhammaanteen ardey iyo macallinba (Google.com) iyo Shebekaddo dad kale ay leeyihiin,iyadda oo aan Hal barre iyo Hal-Ardey oo Leh (Shebekaddo) wax laga Akhristo innagu jirin amma yar yihiin.

La soco Qeybta 7aad………………..

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker