Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay khasnado ay ku jiraan Malaayiin Doollar

Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in ay xayirto lacag gaaraysa Todobo Milyan (7 Million), sidoo kalena ay xirto 670 taleefan lambar iyo 110 akoono ganacsi ah, ka dib hawlgallo lagu beegsanayey dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee kooxo lala xiriirinayo argagixisonimo.

Sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda Soomaliya ayaa intaas ku dartay in la wareegista lacagtan loo cuskaday Sharciga ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada’ ee dhawaan Soomaaliya ka dhaqangalay.

Dowladdu faahfaahin intaas dheer kama bixin meelaha laga soo qabtay lacagta, muddada uu socdey hawlgalka lagu soo qabtay iyo halka ay ku dambeeyeen dadkjii lagu qabtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker