Hoggaamiyeyaasha Wadamada Khaliijka Carabta Oo Gaadhay Heshiis Lagu Soo Afjarayo Khilaafka Diblommaasiyadeed

Hogaamiyaasha wadaada khaliijka ayaa kulan ay ku yeesheen dalka Sucuudi Carabiya ku kala saxeexday heshiis lagu sii adkaynayo “midnimo iyo xasilooni”.

Masuuliyiintan dalalkan oo iskugu yimid shir sanadeedkoodii Salaasada maanta ayaa horumar ka gaadhay khilaafkii mudada dheer soo jiitamayay ee u dhexeeya xulufada Sucuudiga iyo Qatar.

Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqday in dib loo furayo xuduudaha dhulka ee ay la wadaagaan Qatar kadib seddex sano iyo badh kadib markii xulafáda boqortooyada, ee Masar, Isutagga Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ay u jareen Qatar xidhiidhkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsi ayna ku soo rogaan dhul, bad iyo cir xannibaadda saaran waddamada Khaliijka.

Afartan dal ayaa ku eedeeyey Doha, arimo ay ka mid yihiin, taageerida kooxaha argagixisada iyo inay aad ugu dhowdahay Iran, eedeymaha ay Qatar si joogto ah u beeniso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker