Waa Kuma Shakhsiga Badalaya Danjiraha Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya Michael Keating.

Iyadoo uu dhamaaday muddo xileedkii danjiraha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa lagu wadaa in uu shaqada la wareego Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Africa.

Wali si rasmi ah looma shaacin magacaabistiisa, hasse ahaatee mas’uulkan cusub ayaa noqon doona ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Waa 66 sano jir ka soo shaqeeyay dalalka, Suudaan, Koonfur Africa iyo Pakistan, waxaana uu ku takhasusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta.

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo xilka ka degaya ayaa wuxuu bedelay xog-hayihii hore ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo u dhashay dalka UK.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker