Guddiga qandasraayadda qaranka Ayaa U Mahad-celiyay Maamulka Shirkadda Daabacadda Ee SAGALJET

Hargaysa:(OWN)- Guddoomiyaha guddiga qandaraasayadda qaranka,Nuux Maxamed Xuseen,ayaa waxa uu u mahad-celiyay Shirkadda Daabacadda Casriga ah ee SAGALJET,taas oo uu sheegay inay qeyb weyn ka qaatay bilicda Dhisme cusub oo uu maanta Madaxweynaha Somaliland xadhiga ka jaray,kaas oo loo hir-galiyay Guddiga qandaraasayadda qaranka Somaliland.

Guddoomiye Nuux,waxa uu ku ammaanay Maamulka Shirkadda SAGALJET inay si bilaash ah ugu caawiyeen boodhadhkaas.

Guddoomiyaha oo war-bixin siinayay Madaxweynaha Somaliland,ayaa waxa hadaladdiisii ka mid ahaa; “ Waxaan halkan uga mahad-celinayaa Shirkadda SAGALJET,kuwaas oo boodhadhkaas faraha badan ee aadka u quruxda badan ee dibadda iyo gudaha dhismahaba si bilaash ah noogu caawiyay,iyagana halkan Maamulkooda waan u mahad-celinayaa”.ayuu ydihi Nuux Maxamed Xuseen,Gudoomiyaha Guddiga qandaraasyadda qaranku.

Shirkadda SAGALJET,ayaa ah hormuudka shirkaddaha Daabacaddaha Somaliland,waxaanay samaysaa adeegyadda badan oo aan macaash-doon ahayn,agaar ahaana dadka jilicsan oo ay taageeraan Xiliyadda kheyriga ee Ramadaana,sidoo kale waxay gacan-qabtaan bahda qoraalka,gaar ahaana dhalinyaradda xiisaysa qorista Buugaagta.

qurxinta Shirkadda SAGALJET ee xarunta Guddiga

Image may contain: one or more peopleImage may contain: one or more peopleImage may contain: one or more people and outdoorImage may contain: outdoorImage may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: one or more people and outdoorImage may contain: 3 people, including Nuux Maxmed Xuusen, people standing

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker