Aasaaskii Golaha Guurtida Somaliland

Saddex taariikhood oo sina u kala duwan, sina isugu dhow ayaa laga hayaa aasaaskii Golaha Guurtida. Kuwaasi oo kala ah:

Taariikhda Koowaad: Aasaaskii golaha guurtidu waxa uu ahaa 1983, qaybta galbeedka SNM waxa ay lahaayeen odayaal SNM ka tirsanaa oo ka soo tallaabay dawladii Maxamed Siyaad oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Saxardiid, Gabax, Maxamed Iimaan iyo Xaaji Yaaxeen. Odayaashaa waxa wakhtigaasi loo bixiyay tiknikada Sacad Muuse. Dhinaca bariga waxa joogay odayaal kala duwan oo kale, balse aan soo tallaabin oo joogay deegaanadii Xuduuda ka baxsanaa guurti ahaan SNM ugu adeegi jiray, hasayeeshe golaha guurtida waxa uu shirkii koowaad ka bilaabmay magaalada Xarshin isla sannadkii 1983, shirkan waxa uu Kornayl Maxamed Cilmi Galaan oo ka tirsanaa saraakiishii sare sare ee ciidankii SNM wuxuu  ka xasuustaa odayaaashii ka qayb qaatay Suldaan Faarax, Suldaan Saxardiid, iyo Sheekh Khaliifa, markaa tiradooda waxa uu ku qaiyaasay 13-15 Xubnood, Maxamed Cilmi Galaan oo shirkaasi fadhiyey wuxuu sheegay in Maxamed Siyaad wakhtigaasi hubeeyay beelaha Daarood ee ku dhaqnaa deegaanada ay SNM deganayd.

Shirkaasi wuxuu Maxamed Cilmi ka sheegay khatarta ay arrintaasi leedahay iyo in uu doonayo in uu rasaas siiyo qaar ka tirsan beesha Daarood ee tooska u diiday in ay hubka u qaataan SNM, hasayeeshe guurtidii way ka diiday oo waxa ay kula doodeen inuu arrinkaasi joojiyo, waanu joojiyay. Halkaasi ayay golaha guurtida ka soo unkatay, shirkii kale ee ugu weynaa ee ay ku kulmeen guurtidu wuxuu ka dhacay Rabaso sannadkii 1985, shirkaasi waxa gudoominayay Prof Ibraahin Maygaag Samatar AHN.

shirkaasi waxa lagu sameeyay xeer Isaaq markii ugu horeysay, kaasi oo lagu xakamaynayo beelaha Isaaq ee halganka ugu jira sidii ay dalkooda u xorayn lahaayeen kibirka Maxamed Siyaad, qoddobada shirkaasi ka soo baxay way badnaayeen oo intooduba waxa ay salka ku hayeen inuu Isaaq halganka meel uga soo wada jeesto. waxa ugu cuslaa qoddobadaasi in ninka Isaaq ee nin kale oo ka tirsan beesha Isaaq ee u dhiiba Maxamed Siyaad ay magtiisu noqoto libin laab (200 halaad). markii shirka xeerarkaasi lagu dejiyay waxa meesha ka baxay in aan qof  Isaaq ah loo dhiibin askartii Maxamed Siyaad arrintaasna way soo afjarantay. Kornayl Maxamed Cilmi Galaan wuu nool yahay dhawaana waxa soo baxay buug isaga laga diyaariyey oo la yidhaa MAHADHOOYINKII SNM.

Taariikhda Labaad: Bishii sebtember ee sannadkii 1984-kii ayey SNM ku guulaysatay in ay dhidibbada u taagto Golihii Guurtida ee ugu horreeyey. Sida ku qoran Buugga dhaxal-Reeb Horaad (2007) Bogga 152 ee uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale. Qoraa Boobe waxa uu soo xiganayaa waraaq uu qoray Prof. Ibraahim Maygaag Samater oo ciwaankeeda la yidhaa light at the end of the tunnel oo uu diyaariyey sannadkii 1993-kii laguna daabacay Buugga la yidhaa Mending Rips in the Sky, wuxuu kaga warramayey fikir la tijaabinaayey oo ahaa in kaalin weyn la siiyo madaxdhaqameedyada, culumada iyo odayaasha in ay noqdaan Goaan-qaatayaal madax-bannaan oo la siman isla markaana la fal-gala heerarka kala duwan ee rasmiga ah ee dhismaha SNM.

Waxaana wakhtigaa lagu goaamiyey in la sameeyo golaha guurtida  oo la siman golaha dhexe ee SNM  oo ahaa golaha sharci dajinta  ee SNM , qaababkaasi ayaa lagu aasaasay golaha guurtida ,isla goobtaasina waxa lagu unkay seeskii guurtida ,madaxdhaqameedkii iyo salaadiintii ka qaybgalay unkiddii golaha guurtida waxa ka mid ah  Suldaan Saxardiid, Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Xasan Faarax Ducaale (Xasan-Badmaax) Axmed Liibaan (Gabax) , Cabdi-Laangadhe, Jaamac Gaabane , Axmed Muuse Haaruun ,Dhugad, Sheekh Khaliifa Iyo Qaar Kale Oo Badan), shirkaasi waxa lagu goaamiyey  in sannadkii hal mar la qabto hogaankana lagu wareejiyo  isla markaana shirweynaha 2aad lagu qabto  qabto Rabaso  oo ay beesha halkaasi deggeni mart-geliso.

Taariikhda Saddexaad: sida ku  xusan Buugga Dhacdo iyo Dhaqan Bogga 206  ee uu qoray Cali Dool Axmed Qoryooley , Markii ay shacabkii Soomaalilaan ka qaxeen dalka horaantii sannadkii 1988-kii, ee xuduudaha ay ka gudbeen, una talaabeen gudaha Itoobiya ayey madax-dhaqameedkii, culumadii iyo odayaashii reer Sheekh Isaxaaq (ISAAQ) talo ku caddaatay oo dhinac kastaa ku soo xidhantay, dabadeed waxa talo isugu yimid odayaal badan oo uu hormood u yahay Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf   ayna ka mid ahaayeen Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre iyo qaar kale.  Odayaasha uu hoggaaminayo Sheekh Ibraahim waxa ay socdaalkooda  ka bilaabeen tuulada Dibiile, waxaanay soo mareen dhamaan goobihii ay u kala qaxeen dadweynihii magaalooyinka Soomaalilaan gaar ahaan Hargaysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo, Gabiley, Oodwayne, Sheekh iyo qaar ka mid ah kuwii ka soo qaxay tuulooyinka.  weftiga Sheekh Ibraahim waxa ay tageen xeryihii qaxootiga mid galbeed ilaa bari sida Dulcad, Balayaley ,Janeefa ,Kaam Abokor, Daroor, Raaboso Iyo Gaashaamo.

Odayadan Sheekh Ibraahim horkacayo xero kasta oo qaxoonti ku jiro way tagayeen waxa ayna kula kulmayeen, Wax Garadka ,Culumada Iyo Odayaashii Joogay Xeradaasi  waxa aanay kala hadlayeen in la isugu yimaado talo oo shirwayne la qabto cid kastana way la qaadanaysay markii ay gaadheen kaam abokor  iyo daroor  waxa weftigaasi ka soo raacay  Caaqil Cabdi-waraabe iyo odayaal badan. Odayaashii weftiga ahaa sidii nin kastaa uga soo raacayey tuulooyinkii iyo xeryihii qaxootiga ee uu caruurtiisaa geeyey ayey noqdeen xubno fara badan.

Taariikhda Afraad: sida ka muuqatay taariikhda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wakhtigii ololaha, wuxuu ahaa fikirkii iyo bud-dhigihii aasaasihii golaha Guuritda bishii Diisambar ee sannadkii 1988.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker