Ururka Daacish oo ka Hadlay Siday U Arkaan Xidhiidh Wadamada Carbeed la Samaysanayaan Israaiil

Afhayeenka Daacish Abu Hamza al-Quraishi ayaa cod muuqaal ah oo lasoo dhigay barta Telegram waxa uu ku sheegay in heshiisyada lala galay dalka Yahuudda uu la macno yahay “Khiyaameyn lagu sameeyey” Islaamka.

 

 

Bahrain iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba xulufo la ah Saudi Arabia, oo weli aan xidhiidh diblomaasiyeed oo rasmi ah la yeelan Israel.

 

 

Sacuudiga waxay sheegeen in xishiidh ay la yeeshaan Israel uu ku xidhan yahay in la helo dal ay leeyihiin Falastiiniyiinta,

 

inkasta oo la rumeysan yahay inuu xidhiidh hoose ka dhaxeeyo.

 

 

Afhayeenka Daacish ayaa dagaal-yahanada kooxdiisa iyo Musliimnta kale ugu baaqay inay weeraro ka dhan ah reer galbeedka ka fuliyaan Boqortooyada Sacuudiga oo ay ku yaalaan labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka.

 

 

Waxa uu sidoo kale ku baaqay inay beegsadaan dhuumaha shidaalka ee dalkaas.

 

 

Waxa uu sheegay in Sacuudiga ay taageereen xidhiidhka Bahrain iyo Imaaraadka la yeesheen Israel ayaga oo hawada dalkaas u furay diyaaradaha Israel ee ku socda dalalka Khaliijka ee deriska la ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker