“Somaliland Waxa u soo hoyatay guul taariikhi oo aynu naawilaynay 32 sanno” – Wasiirkii Hore Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi

Hargeysa (OWN)- Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey heshiis ay shalay si wada jira u saxeexeen Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Abey Ahmed.

Ex-wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi oo qoraal kooban oo uu arrinkan kaga hadlay xalay soo saaray, ayaa sheegay In reer Somaliland guul taariikhi ahi u soo hoyatay, waxaanu bogaadiyey siyaasadda Arrimaha Dibadda ee madaxweynuhu ku Hoggaamiyo Qaranka.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland, waxa uu qoraalka ku sheegay in xeerarka caalamiga ahi u oggol yihiin waddan kasta oo xuquuqda ah u leeyihiin helitaanka bad ay isticmaalaan, taasina ay ku suurta-galayso heshiisyo daah-furan oo dhexmara labada dhinac.

“Al-xamdulillaah. Caawa (xalay) waxaa inoo soo hoyatay guul taariikhi oo aynu naawilaynay 32 sanno, kaas oo ah Aqoonsi Buuxa. Guusha waxaa Allaah gacantiisa ku qoray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sidaa horeba Allaah ugu guuleeyo gacantiisa isaga iyo Mujaahidiintii SNM xoreynta waddanka. Allaahu Akbar, Fatxa Wanasar. Somaliland Guul,” sidaas ayuu qoraalkiisa ku yidhi Ex-wasiir Yuusuf.

Waxa kale oo wasiirku yidhi, “Ra’yul-caamka dadka reer Somaliland ayaa soo dhaweeyay guusha taariikhiga ah ee uu soo hooyay madaxweyne Musse Biixi Cabdi oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo si toos ah goob fagaare ah shir jaraa’id oo uu kula qabtay hogaamiye dal weyn oo Ethiopia ah.”

“Bulshada reer Somaliland iyo dadka kale ee faaqida arrimaha Geeska ayaa heshiiska ku tilmaamay guul usoo hoyatay Somaliland, waxaanay hoosta ka xariiqeen In libta guushaas uu leeyahay oo ay taariikhdu baal dahab ah ku qorayso madaxweyne Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo ay sheegeen in dadaalka naf hurka ah ee uu geed Dheer iyo mid gaaban ba u koray ka midho dhalinta himilladan qaranka uu ku soo hooyay guushan.”

Ex-wasiir Yuusuf wuxuu bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxaanu yidhi, “Sidoo kale waxaa iyana xusid mudan wasaaradda arrimaha Dibada Somaliland oo intii Somaliland jirtay ay noqotay markii u horeysay ay siyaasadda arrimaha Dibadu keento in guushani timaado, iyadoo waliba uu nasiib u helay wasiirka immika wasaaradda gadh wadeen ka ka ah ee Dr. Ciise Keyd.”

Yuusuf Maxamed oo ka hadlay Arrimaha horseedka u ahaa hirgelinta heshiiskan, waxa uu yidhi, “Sidoo kale arrinkan maanta ka dhacay Addis Ababa ee heshiiska labada dal ayaa hordhiciisa ay ra’yilcaamka Bulshadu ku tilmaameen in deyrkii Abegaadhuhu ceelalyo u ahaa isla markaana dhinaca Itoobiyana fursad uhelayso in ay manaafacaadsato baddeena maadaama oo boqol milyan iyo dheeraad ay dadkeedu yihiin u baahan yihiin inay bad helayaan, waayo caalami ahaan waxaa dunida ka jira xeer laysla og yahay oo ogolaanaya in dalalka xidhan ee aan badda lahayn ee (Landlocked) loo yaqaannaa isticmaalaaan dalalka jaarka la ah. Biyahooda iyadoo loo marayo sifo sharci ah.”

Ex-Wasiir Yuusuf waxa kale oo uu ka hadlay fal-celinta madaxda Soomaaliya ka bixiyeen heshiiska Somaliland iyo Ethiopia, waxaanu yidhi, “Madaxadii hore Somaliya iyo ku imika waxay cadaynaysa oo ay u tahay marag ma doon in ay lidi ku yihiin wanaag kasta oo u soo kordha dalka iyo shacabka Somaliland iyo neceybka iyo cadaawada u qabaan dalkan Somaliland ee la ah walaalaha. Ma garanayo waxaa ka ba’aya ama ka xumaanaya somaliya in ay Somaliland la hesho aqoonsi. Taas ka soo horjeedkeeda waxaabay noqon Somaliland iyo Somaaliya laba dal oo ah walaalo sida Kuwait iyo Qatar oo kale ama Canada iyo Maraykan oo kale. waxaan u soo jeedinayaa, xasuuqii loo geystay iyo burburkii naf, iyo maalba lahaa, yaan loo Durbaan tumin colaad ma hadho ah ee caqlugu ha shaqeeyo oo ha ku soo biiraan dalalka Faraha badan ee sida raxan raxanta ah ugu soo kala baratamaya aqoonsiga Jamhuuritadda Somaliland.”

Isagoo ka hadlayey faa’idooyinka Somaliland ugu jira heshiiska, waxa uu yidhi, “Somaliland Waxay ka heshay Saami mid ka mid ah Diyaaradaha ugu horeeya dalalka aduunka oo ah Ethiopian Airlines oo ay ku ladhan tahay Aqoonsi Buuxa oo ay heshay Somaliland.”

Gebogabadii waxa uu Ex-wasiir Yuusuf yidhi, “Si kastaba xaalku ha noqdee maanta reer Somaliland waxa u soo hoyday guul loo baahan yahay in loo dabbaal-dego”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker