Jiif-Caaqilka Gobolka Sanaag oo ku baaqay in Magaha layska bixiyo Horumarkana laysu kaashado

Ceerigaabo(OWN) Jiif-caaqilka guud ee Gobolka Sanaag Jiif-Keyse Jiif-Ismaaciil Muuse oo Ceerigaabo kulan kooban kula yeeshay warbaahinta qaarkeed kula yeeshay ayaa sheegay in magaha raagey oo labixin waayey caqabadda ugu weyn kuyihiin horumarka guud ahaan gobolka Sanaag isagoo cuqaasha iyo beelaha gobolkana ugu baaqay inay dhexda u xidhtaan arrintaas.
“Arrinta caqabadda innaku ahi waa magaha oo aan hore loo bixinayn iyo xataa qoyskii wax kadhinteen oo aan wax godobta iyo utunta ay kaga samraan oo loogu cawilo aan lasiinayn, arrinmaha magaha la bixin waayona waxa kadhalan kara nabadgelyo xumo, mar haddii aan nabadgelyo jirinna horumar kale oo iman karaa majiro”.
“Cuqaasha iyo waayeellada waxan leeyahay arrinta magaha ha layska xilsaaro sidii ay innooka baxsoomi lahaayeen weliba tashi midaysan aan kayeelanno si wixii caqabado ee jira xalkooda laysula eego”.

Dhinaca kalena Jiif-Keyse Jiif-Ismaaciil Muuse wuxu xukuumadda kacodsaday inay cuqaasha arrinta magaha gacan kasiiyaan
“Xukuumadda gacanteeda waannu u baahannahay waayo haddii aan mag-diidka xukuumaddu noo qaban caaqilkuna waxba qaban kari maayo”. ayuu yidhi Jiif-Caaqilku

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker