Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo la Kulmay Saraakiil ka Tirsan UNSOM

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Md./ Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Madaxa Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Hay’adda UNSOM Mss Saaya Mawaaalla iyo sarkaal kale oo ka tirsan Hay’adaas.

 

Kulanka waxa Wasiirka ku wehelinaysay madaxa Cilmi baadhista  ee waaxda qorshaynta, ahna ku simaha agaasimaha qorshaynta marwo Raxma C/laahi Maygaag, waxana lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda UNSOM iyo ilaalinta xorriyadda Saxaafadda Somaliland.

 

Ugu danbayn masuuliyiintan ka socotay Hay’adda UNSOM ayaa Wasiirka uga mahad celiyay soo dhawaynta, sidoo kalena  ku bogaadiyay dardar-gelinta dhammaystirka xeerka Saxaafadda Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker