Nidaamyada Maaliyadeed ee wadamada aan la aqoonsanayn: Si gaar ah Somaliland. Qaybta Kowaad.

Kadib burburkii ku yimid Jaamhuuriyaddii Soomaalida ee lagu midoobay 01-July 1960kii, waxaa burburay dhammaan nidaamyadii dawliga ahaa ee dhisnaa oo ay kamid ahaayeen Nidaamyadii Maaliyadeed sida Awoodihii Bangiga dhexe, bangiyadii ganacsiga ahaa iyo guud ahaan nidaamkii bangiyada waddanka. Waxa meesha ku luntay hantidii dadka utaalay bangiyada iyo dhammaan daymihii la bixiyay maadaama bililiqadii lagu daray waraaqadihii caddaymaha ahaa, tanina waxa ay sababtay in wali dadkii aanay kalsooni ku qabin nidaamyada bangiyada oo aan mudadaas Sodonka sanno ah wali xoogaysanin dadkuna wali ay iyagu jeebkooda ku kaydsadaan lacagaha kasoo hadha kharashaadkooda, muwaadiniintii hal-abuurka ganacsi lahaa ee ay ahayd inay helaan daymo ay kusii maal-geliyaan ganacsiga maskaxdooda kujira iyaguna ma helaan. Kaydinta lacagaha iyo dayn bixintuba waa shaqooyinka aasaasiga ah ee ay qabtaan bangiyadu. Inkasta oo ay hadda sannadihii udanbeeyey jiraan bangiyo ay dad ganacsato ahi Aasaaseen haddana wali majirto kalsooni labada dhinac ah oo hirgashay.

Somaliland waxa lagu sheegaa in ay ku jirto kaalinta afaraad ee waddamada dunida ugu faqiirsan, sida lagu sheegay warbixinta sannadlaha ah ee uu soo saaro bangiga dunidu, 70% miisaaniyada Somaliland waxa lagu kharashgareeyaa arimaha la xidhiidha Ammaanka iyo Nabadgalyada, halka arimaha horumarintana ay tahay inta soo hadhay ee 30% ka ah. Arintani maaha Somaliland oo kaliya ee waxa kala siman qaar kamid ah wadamada aan aqoonsiga helin.
Somaliland intii ay madaxbanaanideeda lasoo noqotay waxa soo maray 17 wasiir maaliyadeed kuwaas oo ay kamid ahaayeen wasiiro aan lahayn aqoon maaliyadeed oo sita takhasusyo kale Sida Injineer, Dhakhtar xoolaha ah, iyo takhasusyo kale. Waa kuwan wasiiradii ukala danbeeyey shaqada:
⦁ Ismaaciil Hurre Buubaa………………………1991-1993
⦁ Cabdulaahi Maxamed Ducaale……………….1993-1994
⦁ Ibraahim Cabdi Muuse………………………..1994
⦁ Maxamed Axmed Samatar……………………1994
⦁ Maxamed Dhimbiil Galbeed…………………..1994-1995
⦁ Cawil Haaji Cumar…………………………….1995
⦁ Saleebaan Maxamuud Aadan………………….1996-1997
⦁ Yuusuf Caynab Muuse………………………,,,1997
⦁ Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo………1997-1999
⦁ Maxamed Siciid Maxamed Gees……………..1999-2001
⦁ Xuseen Faarax Doodi…………………………2001-2003
⦁ Xuseen Cali Ducaale………………………….2003-2010
⦁ Maxamed Xaashi Cilmi………………………2010-2012
⦁ C/casiis Maxamed Samaale…………….…….2012-2015
⦁ Zamzam Cabdi Aden…………………………2015-2017
⦁ Ll
⦁ Sacad Cali Shire………………………………
Sida shaxda sare ay muujinayso wasiirkii ugu horeeyey ee Wasaaaradda maaliyaddu wuxuu ahaa Ismaaciil Hurre Buubaa, wuxuu ahaa wasiirkii la kulmay caqabadaha ugu waaweyn mana jirin cashuur badan oo la ururin karayay oo waddanku xaalado dagaal ayuun buu markaas kasoo baxay. Balse waa wasiirkii hirgaliyay daabacaadda lacagta shilinka Somaliland, waana wasiirkii ugu horeeyey ee soo bandhigay, jeediyayna miisaaniyad sannadeedkii ugu horeeyey ee Somaliland yeelato oo ahaa wakhtigaas 250 Milyan oo shilinka Somaliland ah una dhigmaysay $3.4 Milyan oo lacagta Maraykanka ah. Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi ayuuna ahaa wasiir isaga aad loogu xusuusto shaqadii uu ka qabtay wasaaradda Maaliyadda isaga oo qaab cusub uhirgaliyay nidaamyada cashuur ururinta Qaranka, wuxuu la wareegay iyadoo daymo badan lagu leeyahay Qaranka, muddo labo sanno ah oo uu xafiiska fadhiyay, wuxuu bixiyay dhammaan daymihii, wuxuu kordhiyay miisaaniyaddii xaddi badan, wuxuu lacagtii giimbaarta ahayd ka badalay Burco, Shaqaalaha dawladda oo uu kordhiyay isla markaana uu mushaharaadka u kordhiyay, Dugsiyada Hoose/Dhexe oo uu wakhtigaas ka dhigay bilaash inkasta oo caqabadaheedu ay badnaayeen wakhti badana sii jiri waayeen ugu danbayn sidoo kale Cusbitaalka guud ee Hargaysa ayuu isna si wayn umaalgaliyay una qalabeeyey.
Sannad Miisaaniyadeedkii ugu horeeyey ee Somaliland wuxuu soo bilawday 1994 wuxuuna ahaa 250,000,000 SlSh, koboc badan ayaa ku imanayey muddooyinkaas hadda oo aynu ku jirno 2020 miisaaniyad Sannadeedka Somaliland waxa lagu qiyaasay 1,812,819,464,458 SlSh.
Dakhliga ugu badan Somaliland wuxuu kasoo galaa cashuuraha kala duwan iyo dakhliyo aan cashuur ku xidhnayn.
Mar kale ayaynu falanqayn doonaa abla-ablaynta dakhliga Somaliland, meelaha uu kasoo galo waddanka iyo siyaabaha loo qaybiyo. Hadda qaybtan waxaynu ka eegaynaa nidaam maaliyadeedka Somaliland.
Bangiga Dhexe ee Somaliland waa xaruunta leh awoodda Maamul maaliyadeed ee ugu saraysa Waddanka, tusaale ahaan maamulidda Sicir-bararka, Daabacaadda lacagaha, Maamulidda Bangiyada gaarka loo leeyahay ama kuwa ganacsiba, bixinta daymaha waaweyn, Jaangoynta Sarifka lacagaha qalaad marka loo eego lacagta waddanka iyo shaqooyin kale. Balse nasiib darro mudooyinkaas badan bangiga dhexe ee Somaliland ma uu qabnayn shaqooyinkaas mana uu maamuli karayn nidaamyada dhaqaale ee waddanka, inkasta oo Maamulka Baanka ee hadda uu qabtay shaqooyinkaas qaar kamid ah. Nidaamka dawliga ah ee Somaliland wax aka hor koray nidaamka ganacsi ee gaarka loo leeyahay, tanina waxa ay saamayn way ku yeelatay in Bangiga dhexe qabsado shaqooyinkiisa, dawladda dhexe iyana ma aysan siin fursad uu ku koro ee kaliya wuxuu unoqday meel lacagaha waddanka lagu kaydiyo ama bukhaar.
Bangiga dhexe ee Somaliland waxa la aasaasay bishii Oktoobar 1994kii, shaqadii ugu horeysay ee uu baanku qabtay ayaa ahayd inuu daabaco lacagta shilinka Somaliland waxaana lacagtaasi ay waddanka soo gaadhay June 1994kii iyadoo haddana dib loo badalay Oktoobar 1994kii, iyada oo lacag ka badalidda laga hirgaliyay saddexda gobol ee kala ah; Maroodijeex, Saaxil iyo Awdal.

Lasoco qaybta xigta…

W/Q: Muuse Cabdi
Email: Muuze438@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker