Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Gaalkacyo

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku geeriyooday in kabadan 5 kalane way ku dhaawacmayn dagaal maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Dagaalkaan oo dhaxmaray laba maleeshiyo beeleed ayaa ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxa uuna ka dhashay muran ku saabsan dhul ku yaala nawaaxiga Xabsiga Magaalada Gaalkacyo.

Murankaan ayaa soo taagnaa maalmihii la soo dhaafay waxaana magaalada ka taagneed cabsi dhinaca amniga iyo digniino soo baxayay oo ku saabsanaa in dagaal uu halkaasi ka dhaco.

Ma jirto ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Puntland maadaama goobaha lagu dagaalamay uu ka taliyo Maamulka Puntland.

Muuqaalka Magaalada Gaalkacyo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker